Dagaal ciidamo ka tisran Ahlu-sunna iyo Al-shabaab ku dhex-maray Gobolka Galguduud


Guriceel (PP) ─
Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo saakay deegaan ka tirsan gobolka Galguduud ku dhexmaray ciidammo ka kala tirsan Ahlu-sunna iyo Al-shabaab.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalkan oo ka dhacay deegaan lagu magacabao Galangole oo 80-km u jira degmada Guriceel uu billowday markii ciidammo ka tirsan kuwa Ahlusunna ay weerareen xoogag ka tirsan Kooxda Al-shabaab oo deegaankaas ku sugnaa.

Sidoo Kale, Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in ciidamadii Kooxda Al-shabaab ay deegaanka isaga baxeen markii hore, basle ay dagaal rogaal-celin ah kusoo qaadeen deegaankaas, ayna la wareegeen deegaanka.

Dadka ku nool deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in dagaalku uu socday muddo kooban, ayna deegaanka haatan ku sugan yihiin xoogag ka tirsan Al-shabaab oo horay u joogay, ciidamadii Ahlu-sunna ay goobta ka tageen.

Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ayaan weli ka hadlin dagaalka Gobolkaas ku dhexmaray ciidammo ka kala tirsan Ahlusunna iyo Al-shabaab, waxaana tani ay qayb ka tahay is-ugaarsiga u dhexeeya xoogagga labadan dhinac ka kala tirsan oo muddo fog dagaalamayay.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa waxay weli gacanta ku haysaa deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud, kuwaasoo qaarkood ay culus ay ku dhexmareen ciidamada Ahlusunna oo ay isku hayaan gacanta ku haynta Gobolkaas.

PUNTLAND POST