Xubin ka tirsanaa guddiga doodashooyinka Puntland oo is-casilay

Siciid Maxamuud Xirsi(Diraac) oo kamid ahaa xubnaha muhiimka ah ee guddiga doorashooyinka ku-meel gaarka ah ee dowladda Puntland ayaa Khamiista maanta ah xilkii iska’casilay.

Warqadda is-casilaadda oo lagu wargeliyay madaxweynaha Puntland,guddoomiyaha Baarlamanka iyo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ku-meel gaarka ah ee Puntland ayuu Mr Diraac ku sheegay arrimaha uu isu’casilay.

Anigoo ah Mr, Saciid Maxamuud Xirsi Diraac,, kana mid ahaa guddiga doorashooyinka Puntland ee TPEC waxaan taariikhda kor ku xusan iska casilay xubnimadi guddiga doorashooyinka Puntland duruufo iyo arrimo aniga uu gaar ah. waxaan u mahadcelinayaa guddigii iyo shaqaalihii aan soo wada shaqaynayay” ayuu yidhi Diraac

Guddiga doorashooyinka ku meel-gaarka ah ee Puntland oo mudda laba sano ah shaqeynayay ayaa ku fashilmay in ay Puntland gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah sannadka 2019,waxaase mar kale Baarlamanku wakhtiga u kordhiyay 14 bishii Agoosto ee sannadkan,si ay uga sii shaqeeyan doorashooyinka Golayaasha degaanka.

Dhinaca kale Baarlamanku wuxuu xilligaasi go’aamiyay in doorashada madaxtinimada Puntland ee sannadka 2019 ay ku dhacdo hab-beeleedka 66 xildhibaan.

PUNTLAND POST