Shirkii Golaha wasiirada Puntland oo degmooyin cusub lagu ansixiyay

Shirkii Golaha wasiirada dowladda Puntland ee Khamiista maanta ah ayaa lagu ansixiyay 2 degmo oo cusub,kuwaasoo kala ah Yubbe oo ka tirsan gobolka Sabaag iyo Ceegaag oo ka gobolka Cayn.

Sidoo kale shirka ayaa warbixin looga dhegaystay guddiga Nabadeynta colaaddii Dhummay ay u xil-saartay dowladda Puntland,waxaana ay sheegeen in ay meel fiican marayso Nabadeyntii beelaha,sida ku cad war-murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Shirka golaha wasiirada Puntland ayaa dhinaca kale lagu taageeray barnaamij lagu yag-leelayo sanduuqa horumarinta Puntland oo ay soo diyaarisay wasaaradda Qorshqynta iyo Xidhiidhka caalamiga ah ee Puntland,sida war-murtiyeedka ku xusan.

Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhammaystiran

PUNTLAND POST