Soomaaliya Iyo Itoobiya oo ciyaaraya galabta kulan xiiso badan

Ciyartoyda xulka qaranka dalka Soomaaliya ee 23-jirada ayaa maanta ciyaaraya kulan ka tirsan isreeb reeb-ka Olombikada aduunka oo sanadkan lagu qabanayo dalka japan.

Soomaaliya ay galabta wajihi doonto dhigoida Itoobiya kulan xiiso badan oo isla Itoobiya ka dhici doono galabta oo Arbaco ah.

Kulankani ayaa ah mid aad u xiiso badan waxaana labada dal ee sida wayn u xifaaltama ee Soomaaliya iyo Itoobiya kulankooda uu ka dhaca doonaa garonka kubada cagta ee Adiss Ababa ee loo yaqaano IS oo kuyaala magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Kulankaasi ayaa waxa uu soo dhici doonaa 3:30 PM xiliga geeska Africa.

Wiilasha qaranka Soomaaliya ayaa sanadkan waxaa ay  qabaan rajo kawayn kuwii hore iyadoo taasi lo sababeeynayo tababaro dheeriya oo ay heleen ciyartoyda qaranka Soomaaliya.

Waxaa la xusuustaa sanadkii hore ciyaartoyda 17-jirada ay gaareen kulanka kama danbeysta finalka ee CECafa.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post