Golaha shacabka oo mar kale u codaynaya miisaaniyadii 2018

Mudanayaasha Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Arbacada maanta kulan ka yeelanaya u codeynta ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2018.

Ajendaha kulanka ayaa ah u codeynta ku noqoshada miisaaniyadda 2018 oo ay soo diyaarisay wasaaradda Maaliyadda iyo aqrinta saddexaad ee hindise sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka.

Dood dheer oo xildhibaannada Golaha shacabku ay Isniintii ka yeesheen ku noqoshada miisaaniyadda 2018 ayay ku soo bandhigeen talooyin kala duwan oo ku saabsan ku noqoshada qodoba ay kamid yihiin xuquuqda iyo mushaharka ciidamada dowladda ee saddexda bilood ee u dambeeya sannadkan 2018.

PUNTLAND POST