Golaha Amaanka ee QM oo Xayiraadii mudada dheer saarnayd ka qaaday Waddanka Eritrea


New York (PP) ─
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay in dalka Eritrea laga qaado cunna-qabateynta hubka ee saarnayd, kaddib heshiis dhex-maray waddankaas iyo Itoobiya oo ay daris yihiin, isla markaana uu soo wanagsanaanayo xiriirka Eritrea kala dhaxeeya dalak kale ee ay dariska yihiin ee Jabuuti.

Warbixinta xayiraadda looga qaaday Eritrea ayaa ku boorisay Xukuumadda Asmara iyo Jabuuti inay ka shaqeeyaan sidii ay xiriirkooda dib ugu soo celin lahaayeen, ayna heshiis ka gaaraan muranka xuduudeed ee u dhexeeya.

Dalka Eritrea ayaa cuna-qabateynta la saaray Sannaddii 2009-kii markii lagu eedeeyey inay taageerto kooxda Al-shabaab ee Somalia. Laakiinse Dowladda Eritrea ayaa dhawr jeer beenisay eedeyntaas.

Go’aanka uu qaatay Golaha Ammaanka ayaa lagu sheegay in kooxda QM ee kormeerka xayiraadda hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea aysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya in Eritrea ay taageerto Al-shabaab.

Sidoo kale, Qaraarka ayaa waxaa soo diyaariyay Dowladda Britain, Waxaana taageerayay dalal ay ka mid yihiin Somalia, inkastoo aysan xubin ka ahayn golaha ammaanka ee QM iyo Ethiopia.

Xukuumadda Jabuuti oo dhul ballaaran ay ka haysato Eritrea ayaa aad uga soo hor-jeesatay in xayiraadda hubka ee saaran laga qaado, iyadoo Eritrea ku eedeysay inay weli khatar ku tahay ammaankeeda, maadaama aysan ka bixin dhulkii ay ka qabsatay.

Dhanka kale, Go’aanka xayiraadda looga Qaaday Eritrea ayaa badankiis loo sababaynayaa xiriirka wanaagsan ee dalkaas kala dhaxeeya dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya, ayna dhex-mareen dagaalo ay ku naf-waayeen kumanaan kun oo qof oo isugu jiray askar iyo shacab kasoo kala jeeda labada waddan.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Washington oo aad uga soo hor-jeeday in dalka Eritrea laga qaado xayiraadda hubka ayaa ka tanaasushay dhawr toddobaad ka hor, taasoo dhabaha u xaartay go’aanka maanta.

PUNTLAND POST