Dowladda Somalia oo lagu eedeeyay inaysan Xakameyn karin hubka ay ka hesho Caalamka

Muqdisho (PP) ─ Warbixin ay soo saareen guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan cunna-qabteynta hubka ee Somalia iyo Eritrea ayaa sheegtay in hubka soo gala Dowladda Soomaaliya loo adeegsado qaab-siyaasadeed, waxaana laga digay in golaha Ammaanka ee QM uu Muqdisho ka qaado cunna-qabateynta hubka mustaqbalka dhow.

Guddigan ayaa qoraalkooda ku sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku guul-dareysatay inay hubka ka xakameyso gacanta ganacsatada iyo kooxaha kale ee hubeysan.

Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu sheegay in Somalia aanay u hoggaansamin cunna-qabateynta hubka ee saaran, waxaa intaas dheer in laga waayay xogta rasmiga ah ee la xiriira hubka iyo rasaasta ay Dowladdu keensato, iyadoo Villa Somalia ay u diiday guddiga Qaramada Midoobey inay arkaan meelaha hubku yaallo.

Waxaa kaloo qoraalka lagu xusay in la ogaaday in hubka ay dowladdu leedahay lagu iibiyo suuqyada, iyadoo ay iib-geeyaan saraakiil ciidanka DF ka tirsan, kuwaasoo isugu jira kuwo sare iyo kuwo hoose iyo weliba xubno mas’uulyiin ah oo ka tirsan xukuumadda Khayre.

“Hubka lagala baxo xarumaha Dowladda ayaa waxay u badan yihiin kuwa loo yaqaanno RPG-7, iyadoo ay tani caqabad weyn ku tahay xasiloonida siyaasadeed ee dalka, waxayna tani xaqiijinaysaa in hub oo la xado ay ka tahay Somalia arrin aad ugu badan,” ayaa lagu yiri warbixinta Guddiga QM.

Guddiga ayaa waxay qoraalkooda ku sheegeen in illaa 20,000 oo Qori iyo 75 milyan oo rasaas ah ay heshay Dowladda Somalia, kuwaasoo ay ku jiraan 70,000 oo rasaasta qoriga RPG-7 ah.

Waxaa kaloo warbixinta ay su’aal ka keentay inay kala badan yihiin hubka loo ogolyahay Dowladda Somalia inay keensato kaddib markii laga qafiifiyey cuna-qatabeynta hubka iyo kan rasmiga ah ee ay heystaan ciidanka xoogga dalka.

Dhanka kale, Kooxdan waxaa ay sheegeen in 21 Konteenar oo hub ah oo ay ku jiraan nooca Soomaalida u taqaanno Baasuukaha la geeyey gudaha Villa Somalia bishii May ee sannadkan 2018-ka, waxaa loo diiday SEMG inay soo arkaan hubkaas.

“Inta badan hubka dowladdu ay haysato waxay si qarsoodi ah gacanta ugu galaan ganacsato iyo kooxo hubka ka ganacsada oo jooga Magaalooyinka Mogadishu, Baydhabo iyo Dhuusa-mareeb,” ayaa lagu yiri warbixinta SEMG.

Warbixinta Guddiga Qaramada Midoobay waxaa kaloo lagu xusay in hub lagu qabtay kooxo ka tirsan Al-shabaab oo joogay Gudaha Waddanka Kenya ay ahaayeen hub ay lahaayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Qoraalkan Guddiga SEMG ayaa lagu xusay in hubka Dowladda Somalia ay halis ugu jiraan in la qaato ama la xado oo aanay xakameyn karin, iyagoo tusaale u soo qaatay wixii ka dhacay xerada Gordon oo markii la jabsaday oo qoriga AK-47 lagu iibsanayey $1,000 oo keliya.

PUNTLAND POST