Madaxweynaha Jubaland oo isku’shaandheyn ku sameeyay xukuumaddiisa

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland,Axmed Maxamed Islaan(Axmed Madoobe) ayaa isku-shaandheyn kooban ku sameeyay golihiisa wasiirada,sida ku cad digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha.

Digreetada oo ku taariikhaysan 13 November 2018 ee talaadada maanta ah ku beegan ayaa lagu magacaabay wasiir,wasiir-kuxigeenno iyo wasiiru-dowlayaal,iyadoo qaarkood la isku’beddelay.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Jubaland ayaa sida digreetada ku xusan loo magacaabay,Maxamed Cali Axmed,halka wasiiru-dowlaha madaxtooyada loo magacaabay Xirsi Jaamac Gani. Sidoo kale Maxamed Ibraahim Amiin,Axmed Cabdiraxmaan Xassan iyo Isaaq Maxamed Xassan ayaa loo kala magacaabay wasiiru-dowlayaasha wasaaradaha;Maaliyadda,Dastuurka iyo Amniga,sida ay u kala horreeyaan.

Digreetada waxaa kale oo lagu magacaabay laba wasiir ku xigeen oo kala ah;Saleebaan Maxamed Maxamuud(wasiir ku xigeenka wasaaradda Maaliyadda) iyo Maxamed Cabdinuur Beerxaani(wasiir ku xigeenka wasaaradda Degaanka iyo Dalxiiska.

PUNTLAND POST