Wasiir Oomaar oo ka hadlay dab ka kacay Garoonka Aadan Cadde

Wasiirka duulista hawada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa faah faahin ka bixiyay dab saaka subixii hore ka kacay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in dab ka dhashay koronto uu saaka ka kacay maqaaxi lagu cunteeyo oo ku taala garoonka Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in lagu guuleeystay daminta dabkaasi oo shaqaalaha dab damisku dadaal ay sameeyeen ay ku guuleeysteen in ay dabkaasi damiyaan.

Waxaa uu sheegay in aanay jirin wax qasaare nafeed ah oo ka dhashay dabkaasi marka laga reebo maqaaxida oo qeeyb kamid ah gubatay.

“Maanta subaxii sacaduna aheyd 05:30 ayaa koronto sababtay qaac inuu galo gudaha dhismaha garoonka muqdisho. Haba yaraatee wax gaaray garoonka, qalabka iyo naf ma jiraan marka laga reebo jiko yar oo ay korantada wax gaarsiisay” ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Dab ayaa waabarigii hore ee saakay ka kacay maqaaxi ku taalo gudaha garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Putland Post Muqdisho