Shacab qabtay mid kamid ah koox dishay masuul magaalada Muqdisho

Koox hubeeysana ayaa magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Waabari waxa ay ku dileen mid kamid masuuliyiinta degmadaasi.

Dableeyda ayaa dishay Allaha u naxariistee Maxamed Cabdi Xakiin Xashara oo gudoomiye waaxeed xili uu ku sugnaa meel aan sidaasi uga fogeeyn hooygiisa.

Intaasi ka dib qaar kamid ah shacabkii arkayay markii falkaasi dilka ah ay geeysanayeen ayaa qabtay mid kamid ah ragii dilkaasi geeystay iyaga oo ku wareejiyay ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo goordhow la hadlay Warqabadka Puntland Post ee Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka ay dhacdadaasi u dhacday.

Muqdisho kuma cusba dilalka loo geeysto dadka la shaqeeya dowlada Soomaaliya hayeeshee arinta cusub ayaa waxa ay tahay in dad shacab ah ay qabtaan dad dilal ka geeystay Muqdisho.

Hoos ka Dhageeyso Wareeysiga Afhayeenka waxaa wareeystay Wariye Cowke oo Puntland Post katirsan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho