Xaaf ” Dowlada Soomaaliya ayaa dagaalo ka hurineeyso Gal-Mudug”

Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf oo dib maanta ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Gal-Mudug kadib socdaalo uu ku joogay magaalada Gaal-kacyo ayaa eedeeyn u jeediyay dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Xaaf ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyeey in ay hurineeyso colaado ka dhaca Gal-Mudug islamarkaasina maamulkiisa uu arintaasi la socdo.

Waxaa uu ku eedeeyay dagaalo beeleedyo ka qarxay maanta duleedka Balan Bale in dowlada ay hurineeyso sidoo kalena xiisado ka jira Cadaado iyo Hobyo ay dowlada soo abaabushay sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne Xaaf.

Waxaa sii xoogeeeysanaya khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf iyo dowlada Soomaaliya iyadoo kale hore madaxweyne Xaaf uu diiday shir uu iclaamiyay madaxweyne Farmaajo oo lagu xalinayo xiisadaha Gal-Mudug.

Hoos Codka ka dhageeyso 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post