Taliye Turbac” Axmed Madoobe Kama soo dagi karo garoomada gobolka Gedo”

Saraakiisha ciidamada XDS ee Baardheere ayaa sheegay in Garoonka Diyaaradaha
aanay  ka soo degi karin Mas,uuliyiinta ugu sareysa  Jubbaland

Xili maalmahii ugu dambeeyey ay soo kordhayeen Banaanbaxyo iyo kulamo looga
soo horjeedo Mas,uuliyiinta Jubaland ayaa maanta banaanbax lagu hor
istaagayo Booqasho uu madaxweynaha Jubbaland ku tagi lahaa Garbahaereey ayaa
si weyn waxaa looga muujiyey diidmadaimaanshaha Axmed madoobe.

Hadaba is hortaag midaasi la mid ah ayaa galabta waxaa ku dhaqaaqey
Saraakiisha Ciidamada XDS ee degmada Bardheere ,Shir jaraa,id oo galabta ay
ku qabteen Xarunta Taliska Ciidanka ayaa waxay sheegeen in aan la aqbali
karin wafdi ka socda Dowlad goboleedka Jubaland in ayan ku imaan karin
Baardheere.

Faarax  C/Nuur Turbac oo ah Taliyaha Ururka 49aad ,Guutada 10 aad ee Qeybta
43 aaad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed  ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan in Baardheere ay soo gaaraan Axmed Madoobe iyo Maamulkiisa,ujeedada ay u socdaana ay tahay sidii DF ay
dadka ugu horkeeni lahaayeen.

“Ujeedada ay u socdaan xilligan waa qalqal gelinta Amniga,da iyo bur
burinta Ciidamada dhibowga ah ee ku xareysan degmooyinka Garbahaarey iyo
Baardheere,mana aqbali karno 4 sanno waxii laga waayey in ay maanta
yiraahdaan waanu idiin imaaneynaa ayuu yiri G/lle Faarax .

Hoos ka Dhageeyso Codka

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post