Madaxweynaha dowladda Puntland oo taliye cusub magacaabay

Madaxweynaha dowladda Puntland,Dr Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa taliye cusub u magacaabay ciidanka loo bixiyay xasilinta ee u xil-saaran sugidda amniga caasimadda Garoowe.

Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo ku taariikhaysan 11 November ee ku beegan Axadda maanta ah  ayaa taliyaha ciidanka xasilinta loogu magacaabay G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir oo sidoo kale ah taliyaha ciidanka PSF ee gobolka Nugaal.

Ciidanka la baxay xasilinta ee loo xil-saaray sugidda amniga magaalada Garoowe ayaa ka kooban laamaha Booliiska gobolka Nugaal iyo cutubyada sida gaarka ah u taba-baran ee PSF.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar