Isbadal lagu sameeyay Taliska Booliska Gobolka Banaadir

Kadib markii maanta uu madaxweyne Farmaajo kulan deg deg ahaa isugu yeeray talisyada ciidamada dowlada Soomaaliya oo looga arinsanayay amaanka Muqdisho islamarkaasina uu madaxweynuhu wax ka weeydiinayay sababaha ay qaraxyada u soo laa laabanay ayaa Taliska Boolisku caawa waxa uu sameeyay isbadal taliyaal.

Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad ayaa caawa kulan deg deg ah kula qaatay saraakiisha ciidamada Booliska xarunta Taliska Booliska.

Kulankaasi ayaa isbadal lagula sameeyay Taliyaal waaxeedyadii gobolka Banaadir ee ciidamada Booliska iyada oo la magacaabay taliyaal cusub.

Taliyaha qaybta Galbeed waxaa loo magacaabay  Taliye Xundubey halka Taliyaha Wiloow cadde loo magacaabay Taliye Sonkor, Sidoo kale taliyaha qeeybta Bari ayaa loo magacaabay taliye Carabeey  iyo ugu dambeeynta taliyaha Bartamaha oo loo magacaabay  taliye Khaliif Ilka Casse.

Faah Faahin dhameeytiran dib kala soco Insha allah 

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho