Dadkii ku Naf-waayay Qaraxyadii Muqdisho ka dhacay Jimcihii oo kor u dhaafay Konton Ruux

Muqdisho (PP) ─ Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxay khasaarihii ka dhshay Qaraxyadii Jimcihii ka dhacay Muqdisho oo si gaar ah looga beegasday Hotel Saxafi ayaa gaaray inta illaa hadda la og-yahay 53-qof, iyadoo dhaawacyaduna ay kor u dhaafeen 100-qof.

Ilo-wareedyo ka kala tirsan isbitaallada Muqdisho iyo taliska Booliiska ayaa u sheegay warbaahinta in dhimashadu oo markii hore lagu sheegay 20-qof ay aad uga badan tahay, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo halis ah oo aan wax looga qaban karin dalka gudihiisa.

Sarkaal ka tirsan booliiska Somalia aya sheegay in dadka dhintay ay u badan yihiin shacab waddada marayay, isagoo xusay in qaraxyadan oo ahaa afar qarax oo is-xig-xigay ay ahaayeen kuwii ugu khasaaraha badnaa sannadkaan oo Xamar ka dhaca.

“Dhismashadu waxay hadda maraysaa 53-qof, dhaawacyaduna waxay kor u dhaafayaan 100-qof. Waxaa jira dad dhaawacyo halis ah qaba,” ayuu yiri sarkaalka booliiska Somalia ka tirsan ee la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, Axmed Yuusuf oo ka tirsan shaqaalaha isbitaalka Madiina oo ah midka la gaarsiiyay dhaawacyadii ugu badnaa ee Qaraxyadii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay ayaa sheegay in dhaawacyo lasoo gaarsiiyay dad badan oo dhaawacyo kala duwan qaba.

“Dhaawacyada waxaa ku jira kuwo aad  u daran oo aan dalka waxba looga qaban karin, qaarkood way gubteen, kuwo kalena xubno muhiim ah ayay dhaawacyo kasoo gaareen,” ayuu yiri Axmed Yuusuf.

Hotel Suxufi oo ka mid ah hoteellada ku yaalla bartamaha Xamar ay daggan yihiin mas’uuliyiinta Dowladda Somalia qaarkood, ayaa wuxuu saddex sano ka hor sidan oo kale ula kulmay weerarro ay soo qaaday Al-shabaab, kuwaas oo lagu dilay milkilihii hoteelka, halka kuwan dambena lagu dlay wiilkiisa oo ahaa maamulaha hoteelka.

Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa weerarradan oo ay sheegaetay Al-shabaab awgood, wuxuu kulammo ay alaabbadu u xiran yihiin la yeeshay taliyeyaasha qaybaha ciidamada qalabka sida, inkastoo aan la ogeyn go’aannadii kasoo baxay.

Ugu dambeyn, Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ilaalada Hotel Suxufi ayaa ku guuleystay inay dilaan shan ruux oo ahaa kooxihii weeraray hoteelkaas, ka hor intii aysan gudaha u gelin xayn-daabka hoteelka.

PUNTLAND POST