RW Itoobiya oo sheegay in Adeegyo Caafimaad ay ka fulin doonaan Soomaaliya iyo Eritrea

Bahir Dar (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo khudbad ka jeediyay xaflad qalin-jabin ahayd, ayaa sheegay ardayda Itoobiya ee bartay caafimaadka ay hawlo caafimaad  oo samafal ah kasoo sameyn doonaan Somalia iyo Ertirea.

Abiy Ahmed ayaa ardayda qalin-jabiyay ku boorriyay inay si daacadnima ah ugu adeegaan shacabkooda, isgaoo xusay inay wax u soo barteen dadkooda iyo dalalkooda, isagoo xusay inay shacabka dalalka dariska ah si bilaash ah ugu shaqeeyaan.

“Tallaabbadan waxay qayb ka tahay xoojinta is-dhexgalka seddexda dal ee dariska ah, si ay u gaaraan midnimo dhaqaale oo isku soo dhaweeynaya shucuubta dalalkaas,” ayuu si taxadar leh u yiri Ahmed.

Sidoo kale, seddexda Hoggaamiye ee dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Somalia ayaa si wadajira h xarigga uga jareen Isbitaalka Tibebe-Giyoon Specialized oo laga dhisay magaalada Bahir Dar.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo maamulka deegaanka Amxaarada sida ay u soo dhaweeyeen Madaxda Martida u ahayd ee Somalia iyo Eretrea, wuxuu kaloo xusay in Wabiga Tana aysan lahayn Itoobiya, Sudan iyo Masar oo keli, balse uu yahay hanti dalalka Afrika oo dhan ka dhexeeya.

“Magaalada Dalxiiska ee hareeraha Wabiga laga dhisayo oo dhismaheedu aan innagu billaabayno ubadkeenana ay dhammeystiri doonaan wuxuu mustaqbalka noqon doonaa kheyraad dhinaca dalxiiska oo Dalka dakhli badan uga soo xaroodo,” ayuu Ahmed hadlakiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Madaxda saddexda Somalia, Itoobiya iyo Eritrea ayaa markii ugu horreysay kulan saddex geesood ah ku yeeshay deegaann ka baxsan caasimadaha dalalkooda.

PUNTLAND POST