Maxamed Faarax Mire oo ku guuleysta xubin Baarlamaanka Puntland

Beesha reer Xaaji ee Dishiishe oo ka mid ah beelaha daga Puntland ayaa u doortay Maxamed Faarax Mire in uu u matalo xubinta ay ku leeyihiin Baarlamaanka Puntland ee 2019 ka dib doorashada codka qarsoodida ah oo uu kaga guuleystay Maxamed Abshir Dharaar.

Goobta ay doorashadu ka dhacday waxa goobjoog ka ahaa inta badan waxgardka beesha waxana dhamaantood ay ugu hambayn ugu hambalyeeyeen xubinta la siiyay Maxamed Faarax Mire .

Maxamed Faarax Mire ayaa beeshiisa ka codsaday in ay la shaqeeyan waxana uu balan qaaday sida oo kale in xilkan uu bulshada ugu shaqan doono.