Gudiga gacanta ku haysa dhismaha Masaajidka Dul-Xaj ee Bosaso oo ku baaqay in laga Qayb-qaato dhameystirka Masaajidka

Bosaso[Puntland Post ]-Masaajidka Dul-Xaj oo ah kamid ah masaajidada ku yaala Magaalada Bosaso laguna sameeyay dayactir iyo balaarin ayaa xiligan maraya heer gabagabo ah waxana dhismihiisu uu socday muda ku dhaw todobo bilood.

Culimada gacanta ku haysa Masaajidka waxa ay sheegen in xiligan loo bahan yahay dhaqaale si loo dhameystiro dhismaha Masaajidka maadama uu go,ay dhaqaalihii hore ee dadka Muslimiinta ah laga uruuriyay.

Culimada ayaa dadka Muslimiinta ah ugu baaqay in aya si wada jir ah uga Qeyb qaatan dhameytirka Masaajidka oo dhismihiisu marayo meel wanagsan.

Kala Xiriir Culimada Gacanta ku haysa dhismaha Masaajidka  Dul-Xaj

+252907797683

+252907798361

+252907799914