Musharrax Jebiye oo booqday xeryaha Ciidanka Daraawiishta ee Godad iyo Caano-Ka-Dhan

November 06, 2019 – Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee doorashada 2019 Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye, oo wali ku sugan magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa maanta booqday xeryaha Ciidamada Daraawiishta ee Godad iyo Caano-ka-dhan.
Ugu horrayn, Musharraxa iyo wafdigiisa ayaa booqday deegaanka Godad oo 30 KM magaalada Gaalkacayo dhanka bariga kaga beegan, wuxuuna kulan xog waraysi ah la qaatay sarakiisha hoggaamisa ciidamada Godad, isagoo ballan qaaday haddii loo doorto xilka madaxwaynaha iyo haddii kaleba in mar walba uu mudnaan gaar ah siin doono ciidamada har iyo habeen heeganka ugu jira difaaca dalka iyo dadka.
Booqashada Xerada Godad kaddib, Musharrax Maxamuud Khaliif wuxuu kormeer ku tegay xerada Caano-ka-dhan, goobtaas oo qiyaastii 10 KM galbeedka kaga beegan magaalada Gaalkacayo, fariisinna u ah cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland.
Musharraxa ayaa ammaan iyo dhiirigelin u jeediyey ciidamada xeradaas ku sugan, isagoo xusay inay yihiin halyeeyo wax kasta u huray sidii ay ammaanka Puntland u sugi lahaayeen, islamarkaana mudan yihiin in la siiyo qaddarin dheeri ah iyo daryeel u qalma shaqada culus ee ay bulshadooda u hayaan.
Ballan qaadyo dhowr ah ayuu Musharrax Jebiye u sameeyey ciidamada uu maanta la kulmay, waxaana kamid ahaa in haddii Madaxwaynaha Puntland loo doorto uu kordhin doono mushaharaadka ciidamada, joogtana ay u heli doonaan iyo waliba in uu hirgelin doono xarumo lagu xannaaneeyo agoonta ciidamada iyo dugsiyo u gaar ah ubadka askarta.
Madaxa Ololaha Karti iyo Hufnaan ee Gobolka Mudug Axmad Cillal, ayaa gabagabadii kormeerka wuxuu shir-jaraa’id u qabtay warbaahinta, isagoo shaaciyey in musharraxu ciidamada ku sugan labada xero ee uu maanta booqday ugu deeqay lacag dhan 15,000 (shan iyo toban kun oo doolar ), taasoo Musharraxu ugu talo galay in martiqaad loogu sameeyo ciidamada xoolana loogu qalo.
Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa wali ku guda jira socdaalka loogu magac daray Tashi iyo Tabasho, kaasoo uu ku marayo qaybo kamid ah gobollada Puntland, si uu ugu kuurgalo xaaladda dhabta ah ee dalka ka jirta, shirar wadatashi ahna ula soo qaato qaybaha kala duwan ee bulshada.