Hoggaanka Soomaalida: Sidaad isu Doorataan ayaad isu Doorisaan – Qaybtii labaad

Wixii ka dambeeyey burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa marba marka ka dambaysa hoos u dhacayey qiyamkii iyo qaabkii hoggaamiye ku soo bixi jirey. Qof waliba waxa uu noqday xil iyo darajo doon. Maxaa yeelay xilalkii ayaa waxa ay noqdeen badeecad dukaan taal oo lagu kala gato hadba qiimaha ugu sareeya, ayna ku guulaysato hadba ciddii jeeb dheeri.

Waxaa kale oo iyana soo baxay tilmaamo cusub oo lagu xusho hoggaamiyaha xil iyo darajo doonkaa, kuwaas oo ay ugu horayso inuu yahay qurba-jooge aqoon yahana oo af-gaalaadka yaqaan. Taas oo meesha ka saartay qiyamkii laf-dhabarta u ahayd hoggaaminta suuban sida amaanada, kartida, hufnaanta, hawl-karnimada, iyo wadaniyadda.

Hoggaanka aynu ka hadlaynaayi maahan oo kaliya maqaamka ugu sareeya ee dalka looga arimiyo ee waa xil walba oo ay Soomaali qabato, laga bilaabo maamule dagmo ilaa Madaxwayne qaran. Nasiib daro waxaa iyaguna aan ka badbaadin aafadaan aynu soo sheegnay hoggaankii dhaqanka oo uu cayn-wareeg wayni ku dhacay qiyamkii iyo xeerarkii loo cuskan jiray caleemo saarkooda. Taas oo sabab u noqotay hoos u dhaca wayn ee ku yimid magacii iyo muunaddii ay bulshada dhexdeeda ku lahaayeen.

HOGGAANKA QURBA JOOGTA

Laga soo bilaabo doorashadii Madaxwayne shariif Shekh Axmed waxaa dalka kusoo qulqulayey qurba joogta xildoonka ah, kuwaas oo isu fahmay inay yihiin cidda kaliya ee xidhan karta shaati ummadda Soomaaliyeed qiima wayn ugu fadhiyey wixii ka dambeeyey burburkii, shaar kaas oo ahaa aqoonta. Aqoonta iyo aqoon-yahanka ayaa ahaa yididiilo wanaagsan oo Soomaalidu u fahantay in ay xal u tahay masiibada hoggaan xumo ee ay muddo la daalaa dhacayeen. Inkasta oo qurba joogta xildoonkaayi uuba ku yaryahay aqoon-yahanku haddana iyaga ayaa isu fahmay inay yihiin cidda la baadi goobayo, maadaaba ay ka yimaadeen goobo ay ilbaxnimo ka hirgashay. Laakiin sidii aynu horayba usoo sheegnay, aqoonta iyo aqoon-yahankeeda midna looma shardiyo hoggaanka. Haddii uu dalku yahay mid nooceena oo kalaana aqoon-yahanimada hoggaamiyuhu waxba ma soo kordhiso. Maxaa yeelay oqoonta uu xambaarsanyahay ayaan looga baahnayn dalka uu u sharaxan yahay, taas badalkeedana waxaa looga baahanyahay aqoon isaga ka maqan oo ah dhaqan-siyaasadeedka bulshada raacatadaa iyo xeerarka lagu dhaqo dal burburay oo ah waayo-aragnimo burburkii laga kasbaday.

Dr. Mohamed Yunis oo ah hoggaamiyaha bangiga Qaramin (bangiga danyarta) iyo hantaha abaal-marinta Nobel Prize ayaa waxa uu yiraahdaa kolkii dalkaygu (Bangladhesh) uu xoriyaddiisa ka qaatay Pakistan bartamihii todobaatanaadkii ayaan ku laabtay aniga oo xanbaarsan shahaadada sare ee cilmiga dhaqaalaha si aan uga qayb qaato horumarkiisa. Dr Yunis waxa uu yiri, wixii ugu horeeyey ee ii soo baxay waxa ay ahayd in dalkaygu uusan u baahnayn cilmiga aan xanbaarsanahay, maxaa yeelay ma ahayn mid iyaga loogu tala galay. Sidaas daraadeed ayuu ugaga tagay kuliyadii dhaqaalaha ee uu baraha sare ka ahaa, waxa uuna aasaasay bangigaga danyarta oo ah bangi ay sabooolku leeyihiin laguna dhidbay afkaar iyo aqoon maxaliya. Dr. Yunis xilligaas illaa iminka waxa uu fakhriga ka saaray dad ka badan siddeed milyan oo qof. Dr Yunis waxaa loo aqoonsaday halyey caalamiya sanadkii 2006 oo la gudoon siiyey abaal marinta Nobel Prize. Dr Mohamed Yunis uma uusan shaqa tagin Bangaladesh ee waxa uu doonayey inuu u shaqeeyo, kolkii uu arkay inaanu cilmigiisu dadkiisa saboolnimada ka saarayna, dhan ayuu iska dhigay, waxa uuna qaaday waddo kale oo ku haboon dadkiisa.

CAQABADAHA HAYSTA HOGGAANKA QURBA-JOOGTA.

Inkasta oo aan ka mid ahay dadka aaminsan in waxa inaga khaldani aanay ahayn hogaan xumo oo keliya ee ay tahay dawlad iyo nidaam la’aan, haddana Inta badan madaxda aan waaya aragga iyo waaqiciga midna ahayn marka la doorto waxaa ka hor yimaada daruufo qalafsan oo aysan horey ugu xisaabtamin, kuwaas oo marada ka fayda ceebahooda.

Caqabadaha ugu waaweyn ee hoggaan kaan ka horyimaada waxaa ka mida.

1- Maqnaanshaha ay maqantahay awoodii dawladnimo ama baas abuur ( the Monopoly on violence ) ama ay cid kale gacanta ugu jirto sida hoggaamiye dhaqaneed, horjooge maleeshiyaad qabiil, hoggaamiye-siyaasadeed hore iyo ganacsade gaamuray kuwaas oo iyaga ka dhiga la gudoomiyayaal iyo hoggaamiyayaal aan lahayn kalmadda ugu dambaysa.

2- Maadaama ay wakhtigooda intiisa badan qurbaha ku soo qaateen waxa aysan waxba kala socon taariikhdii uu dalku soo maray gaar ahaan middii burburka iyo waaqica rasmigaa ee uu iminka dalku ku suganyahay, taas ayaana sabab u ah mugdiga iyo is-maandhaafka ka dhex aloosma iyaga iyo shacabka ay xukumaan.

3- Waayo aragnimo la’aan maamul oo haysata , gaar ahaan dal iyo dad burburay oo u baahan in lagu dhaqo xeerar aan ka jirin caalamka intiisa kale.

4- Aqoon daro baahsan oo ka haysata dhaqanka, hidaha, iyo qaab dhismeedka reeraha Soomaaliyeed taas oo keenta inay mararka qaarkood qaataan go’aamo xasilooni daro abuuri kara amaba ay ku khaldamaan saami-qaybsiga reeraha kaas oo saldhig iyo seesba u ah nidaam siyaasadeedka Soomaalida.

5- Badankoodu waa hoggaamiyayaal jilicsan oo aanay ka muuqan karti iyo go’aan qaadasho rasmiya, taas badalkeedna waxa ay xoogga saaraan inay nusqaantooda ku kabaan khudbooyin xamaasiya oo kiciya dareenka shacabka maalmo ka bacdina si fudud loo hilmaamo.

Si kastaba ha ahaatee qodobadaan iyo kuwa kale oo badan oo aynaan xusin ayaa ka dhigaya hoggaankan aan waaya-araga ahayn kuwo aan hoggaamin karin dal aan xasiloonayn oo ay daruufo xasaasiyana ku meersan yihiin, maxaa yeelay waxaa ka maqan karti iyo aqoon. Aqoontaas oo ah waaya-aragnimo lagu maamulo dad iyo dal burburay.

Si aad waaya aragnimadaas u kasbatana waxaa lagama maarmaan ah inaad dadka aad xukumayso ka mid tahay la dhaqan iyo la xeerna tahay, ee maahan inaad ku soo biirto kolka aad xil-doon tahay.

GUNAANAD

Waxaa laga yaabaa inay maskaxdaada ku soo dhacdo maxaa ka khaldan haddii la helo qurba-jooge amaano iyo akhlaag wanaagsan leh. miyaanu ahayn haggaankii aynu raadinayney? Maya ayaan si fudud kuu leeyahay, maxaa yeelay Kartida iyo waaya-aragnimada ayaa waligeed laga hormarin jirey aqoonta iyo akhlaaqda aysan labada hore ku ladhnayn. Nabigeenii Muxamed nabad galyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee oo ahaa hoggaamiyihii ugu waynaa ee caalamkaan soo maray, ayaa mid kamida saxaabadiisa oo ku xeel dheeraa aqoon diimeed iyo Alla ka cabsiba, waxa uu ku yiri rasuulkii Allow miyaadan xil ii dhiibayn. kolkaas ayaa suubanuhu ugu jawaabey “Abu darroow waa amaano, adiguna daciif ayaad tahay, maalinta qiyaamana waa shalayto”

Waxa uu suubanuhu ina barayaa sida ay kartida iyo qawinimadu muhiimka ugu tahay hoggaaminta. Saxaabigan waxa ka maqani maahan aqoon, akhlaaq iyo Alla ka cabsi ee waa qiyaamkii hoggaaminta laf-dhabarka u ahaa, sidaas daraadeed waa lagama maarmaan in hoggaamiyaha maamulaya dal nooceena oo kalaa uu noqdo waayeel waaya-araga oo haddana ah wax-garada, ee maahan inaynu afartii sanaba mar tijaabino inyar-garad wax-mooga oo aan dhaadi karin xajmiga uu lee yahay xilka lagu aaminay.

Qormadaan waxaan ku soo gaba gabaynayaa halkudhagii aan cinwaanka uga dhigay oo ahaa tuduc ku jirey tix uu lahaa abwaan Hadraawi oo ahaa ” sidaad isu doorataan, ayaad isu doorisaan”

Hadii aad doorato hoggaamiye ku haboon daruuftaada wuxuu doorin karaa wax wayn, haddaadse doorato hoggaan daciifa wuxuu doorin karaa wax yar amase waxba.

Qalinkii:- Maxamed Axmed Cilmi