Dhalinyaro ku dhibaataysnaa Libya oo dib loogu soo celiyay Muqdisho

Ilaa 124 dhalinyaro tahriibayaal Soomaaliyeed oo in mudda ah ku dhibaataysnaa dalka Libya ayaa maanta gelinkii dambe dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho

Waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho dhalinyaradaasi kusoo dhaweeyey Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dhallinyaradda Mudada dheer ku xirnaa Xabsiyadda Liibaya ee nasiibka uu yeeshey in Dalkooda dib loogu soo celiyo ayaa ka hadlay Dareenkooda, iyagoo sheegay in ay si weyn ugu faraxsan yihiin in ay dalkooda dib ugu soo laabtan.

Dhalinyarada ayaa waxaa soo celintooda iska kaashaday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha IOM iyo UNHCR,sida uu sheegay safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi.

Safiirka aya shalay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in 150 dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku dhibaataysan dalka Libya dib loogu celin doono Soomaaliya,balse dadka hadda la soo celiyay ayaa dhan 124 ruux oo keliyah.

PUNTLAND POST