AMISOM oo ka hadashay dad shacab ahaa oo ay ciidamadeedu ku Toogteen Muqdisho


Muqdisho (PP) ─ Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Somalia ku sugan [AMISOM], ayaa markii ugu horreysay ka hadlay afar qof oo la sheegay in ciidamadeedu ay shalay ku dileen degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, kuwaasoo dhammaantood ahaa shacab.

War-saxaafadeedd ay AMISOM soo saartay ayay ku sheegeen inay aad uga xun yihiin dadka shacabka ah ee lagu dilay ex-koontarool Balcad, waxayna intaas ku dareen in dhacdadan lagu sameyn doono baaritaan dhameystiran.

“Baaritaan ayaan ku sameynaynaa dhacadan, innagoo la kaashan doonna dowladda federaalka Somalia, natiijada kasoo baxda baaritaankann waxaan la wadaari doonnaa shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay AMISOM.

Sidoo kale, Taliska AMISOM ayaa sheegay inay xanuunka la qaybsanayaan ehellada dadkii naftooda ku waayay falkaas, iyagoo sheegay in cid walba oo ku lug yeelata falkan lala tiigsan doono sharciga.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegaynaa in AMISOM inta ay ka hawl-galayso Somalia ay ka go’an tahay inay ilaalin doonto Xuquuqda Shacabka Soomaliyeed, iyadoo la tixraacayo sharciga xuquuqda aadanaha ee Dunida iyo kuwa u dagsan dadka Soomaaliyeed,” ayaa mar kale lagu yiri Bayaanka kasoo baxay AMISOM.

Dhanka kale, Taliska AMISOM ayaa sheegay in baaritaanka dhacadan aysan ka hari doonin illaa ay xaqiiqda soo taabato, isla markaana ay natiijada kasoo baxda u soo bandhigto shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Hadalka kasoo baxay AMISOM ee ku aaddan Afarta ruux ee shalay ay ciidamada Burundi ku dileen isgoyska Ex-koontarool Balcad ayaa wuxuu imaanayaa xilli Dowladda Soomaaliya ay ka codsatay AMIOSM inay falkan ku sameyso baaritaan dhameystiran, sharciga la horkeeno cid walba oo ku lug yeelata.

PUNTLAND POST