Afhayeenkii golaha iskaashiga maamul goboleedyada oo is casilay

Afhayeenkii golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ahna wasiirka Dastuurka maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa goordhow is casilay.

Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in kadib markii uu is casilay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo  ay saaxiibo dhow ahaayeen uu is casilay isagana uu haatan ku dhaawaqay in uu xilkaasi iska casilay.

Shariif Xasan Sheekh Aadan madaxweynihii maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa goordhow ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka madaxtinimo ee maamulkaasi dhinaca kalena uu iska casilay u tartamida jagada madaxtinimo ee maamulkaasi.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post