Koonfur Galbeed oo magacowday Guddiga doorashada Madaxweynaha

Dowlad gobobeedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta magacowday Guddiga doorashada Madaxweynaha maamulkaas oo dhaci doonta 17-ka bisha soo socota ee November.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekunaa Maye, ayaa ku dhawaaqay Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya  oo ka kooban 27 xubnood.

Gudigan oo maanta Xildhibaanada Koonfur Galbeed la horgeeyay ayaa lagu ansixiyey cod aqlabiyad leh, waxaana ogolaatay 93 Xildhibaan, halka 13 Xildhibaan ay diideen.

17-kii bishan October ayaa faafiyay  warqad been abuur ah oo ku qornaayeen 18 Xildhibaan oo ka tirsan Baralamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo lagu sheegay Guddiga doorashada Madaxweynaha, balse waxaa isla maalintaas beeniyay Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaas Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye.

Agaasimihii hore ee NISA Xuseen Cusmaan Xuseen oo ay aad isugu dhowyihiin madaxda dowladda federaalka Soomaaliya oo kamid musharaxiinta u tartamaysa doorashada madaxtinmada Koonfur Galbeed ayaa ah shakhsiga aadka loogu saa-daalinaayo in uu ku guuleysto daarashadaas.

Magacaabida Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ku soo aaday iyadoo Madaxweynihii maamulkaas Shariif Sheekh Xasan uu shirka madaxda dowlad goboleedyada uga qeyb galayo magaalada Garowe.

Hoos ka akhriso digreedata magacaabida Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya

PUNTLAND POST