Koonfur Galbeed Soomaaliya oo beenisay in ay magacowday Guddiga doorashada Madaxweynaha

Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa beeniyay warqad been abuur ah oo laga faafiyay.

Guddoomiye Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warqad lagu magacaabay Guddiga doorashada Madaxweynaha maamulkaas oo saaka soo baxday.

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in warqaddaasi ay tahay mid been abuur ah, islamarkaana aan ka soo bixin xafiiskiisa, isagoo in taas ku daray in dhawaan ay ku dhawaaqi doonaan Guddiga doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed.

Warqadda saaka la faafiyay waxaa ku qornaa 15 Xildhibaan oo la sheegay in loo magacaabay Gudiga doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Warqada been abuurka ah ee la faafiyay

Doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dhici doonta 17-ka bisha soo socota ee November, wali laguma dhawaaqin Guddiga doorashada maamuli lahaa.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sida sharci ah magacaabi lahaa  guddigaas ayaa wali ka caga jiidaya, isagoo kamid ah musharaxiinta u tartamaya doorashada.

PUNTLAND POST