Anigoo shacab ah, xagee iyo sidee u cawdaa?

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa  ma haystaan hab ay ku cawdaan kuna gudbiyaan cabashooyinkooda iyo rabitaankooda ku wajahan madaxda awooda iyo xukunka gacanta ku haya ee inta badan laga yaabo inay ku tuntaan xaquuqda shacabka Soomaaliyeed. Shacabku ha ahaadeen kuwa ku hoos nool meelaha ay ka taliyaan maamul goboleedyada ama ha ahaadeen kuwa ku hoos nool meelaha ay ka taliso dawladda Federaalka sida magaalada caasimadda ee Xamar iwm.

Dawlad dhexe iyo mid hooseba dadka Soomaaliyeed ma haystaan hab ay ku cawdaan laguna maqlo cabashooyinkooda mana jiraan hay’addo madax banaan oo Soomaaliyeed oo arimaha cabashooyinka shacabka u taagan.

Dawlad marka aan leenahay waxaan ka hadlayna qaybaha sida tooska ah u taabta nolosha shacabka ee ku wajahan nolol maalmeedka iyo meesha qofku degan yahay sida dawladaha hoose, booliska / ciidamada amaanka, maxkamadaha /goobaha cadaalada loo raadsado, baraha kontaroolada, wax kala iibsiga iyo helida adeegyada kala duwan ee shacabku baahida u qabaan  ee joogtada ah sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, korontada, diiwaan-gelinta   iwm.

Dawladda mid hoose iyo mid dhexeba, heer maamul goboleed iyo heer federaalba dadka waxaa laga qaadaa canshuuro kala duwan oo farabadan, wax kasta oo nolosha shacabku u baahan tahayna ee aan kor ku soo sheegnay sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha waxay gacanta ugu jiraan ganacsato iyo hantiilayaal khaas ah kuwaas oo shacabka ka gada adeegyadaas  iyada oo aysan jirin cid ka hubisa adeegyada muhiimka ah inay ku haboon yihiin kharashka shacabka qaybihiisa kala duwan laga qaado iyo in kale, iyo inay weliba yihiin kuwo raacsan hababka caalamka ee kala duwan (international standards) dhinac daawo, aqoon gudbin, tayo, nadaafad iwm.

Dad badan oo Soomaaliyeed kuna kala nool dalka qaybihiisa kala duwan ayaan waxaan weydiiyey marar badan su’aasha ah; Maxaa u cabanweydeen oo tacadiyada kala duwan ee laydin geysto uga hadli weydeen sida kuwa maamul xumada, cadaalad darada, adeeg la’aanta, ixtiraam la’aanta iwm? inta badan jawaabta dadka shacabka waxay ku soo urureysa  la yaab iyo garasho la’aan ku wajahan meesha iyo habka ugu haboon ee ay u caban karaan, in badanna maba garanayaan inay xaq u leeyihiin inay cawdaan ama dalbadaan waxa ay xaqa ugu leeyihiin dawladooda  kuwa xakumana la xisaabtamaan maadaama ay iyagu yihiin kuwa ay dawladdu u shaqeyso bixiyana kharashka dawladu ku shaqeyso heer kastaba.

Waxaan ognahay in dalkeena ay ka jiraan hay’addo dawli oo kala duwan una dhisan sida kuwa caalamka  kale,  tusaale, madaxweyne, golaha fulinta oo raisal sawaarre u sareeyo, golaha shacabka, maxkamado kala duwan, ciidamo amaan  iwm.  Waxaa kaloo jira maamulo kala duwan oo ay ka mid yihiin dawladaha hoose ee degmooyinka kala duwan ee dalka, madax maamul goboleedyo, baarlamaano maamul goboleedyo, hay’addo isku sheega inay yihiin daneeyaasha aan dawliga ahayn iwm.

Bal aan isweydiinee akhristow wax u taagan wax ka qabashada dhibaha kala duwan ee shacabka haysta ma aragtay weli? Af-waa kane mee lagu aamey amayba amuurtu tahay!.

Dhibaha shacabka haysta maxaa ka mid ah ee aan waxba laga qaban inta badan?

  1. Cadaalad daro baahsan kana jirta dhamaan dalka oo dhan taas oo salka ku haysa eex, quursi, awood sheegad iwm.  Dalku malaha goobo laysku halayn karo oo dawladeed guud ahaan oo shacabku u xukun tagaan halkaas oo markaa ay ka filayaan  cadaalad iyo xukun eex ka fog. Bal soo sheeg maxkamad maanta laysku halayn karo inay si sharciga waafaqsan u shaqeyso dalka Soomaaliya, dadkuna amaan u hayaan?.Waxaan ognahay in qofkasta oo dani qabsato uu ku mashquulo mudo badan, yaa ina adeer kay ah oo mas’uul ah, yaa garanaya taliyaha saldhiga, war ninka maxkamada jooga yaa yaqaan, war intee buu qaataa., war hebelow kaalay ikaxee oo ninka ii gee iwm.

    Cadaalad ay kaaga teedan tahay yaa hebel ah ma cadaalad baa?

     

  2. Boobka hantida dadweynaha guud ahaan dalka Soomaaliya haba ugu daraato xiligan meelaha ay ka taliyaan maamul goboleedyadu ee kala duwan. Boobka hantida waxaa kow ka ah qaadida canshuurta oo aan waxba lagu soo celin shacabka dhinacyada aan kor ku sheegnay ee caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo daryeelka dadka taagta daran, cadaalada iwm.Waxaa kaloo ka mid ah boobka hantida guud, dhulka ummada oo layska qaadanayo ayna qaadanayaan shacab awood qabiil sheeganaya iyo dawlad sheeganaysa awood xukun kulana wareegaysa dhul badan xaq daro iyo musuqmaasuq inta badana ay gacanta u galayaan rag iyo dumar aan sharci iyo xaq midna u lahayn inay hantidaa umadeed qaataan. Boobka sidoo kale ee hantiyaha kala duwan ee umadda sida baabuurta, qalabka, hubka, deeqaha caalamka kayimaada iyo kuwa kale oo farabadan.
  3. Amni xumo baahsan salkana ku haysa musuq maasuq iyo ciidamada amaanka oo u abaabulan hab qabiil kana shaqeeya sidii ay nolol maalmeedkooda ula soo bixi lahaayeen maadaama mushahar toos ah aysan helin iyo daryeel guud gaar ahaan goobaha maamulada dalka ka jiraan.
  4. Adeeg la’aan baahsan oo ka jirta dhinaca nadaafada, wacyi gelinta bulshada, horumarinta degmooyinka iwm, jahaynta iyo toosinta dhalinyarada, kobcinta dhaqaalaha, daryeelka shaqaalaha kala duwan ee dawli iyo mid khaas ahba, daryeelka deegaanka iwm.

 

Dhamaan qodobadaan aan kor ku xusnay waa qaybo ka mid ah waxyaalaha laga rabo dawlad heer gobol iyo heer degmo iyo heer intaa ka sii sareeyaba inay ku hawlan tahay habeen iyo maalin kana shaqeeyaan sidii ay wax uga qaban lahayeen arimaha hortaagan horumarka si guud dadka iyo dalka Soomaaliya.

Maanta waxaa hubaal ah in shacabka Soomaaliyeed ay dulman yihiin laguna tacadiyo si joogta ah xaquuqdooda noockasta ay tahay sidaa awgeedna ay tahay xaq iyo lagama maarmaan in shacabku cawdo oo ay ugu yaraan helaan meel ay ku cawdaan iyo cid dhegaysata iyaga oo aan loo caga jugleyn.

Waxa dalka Soomaaliya maanta ka jira wuxuu u badan yahay  Qawda maqashii waxna hawqaban, waayo maalin walba waxaa la sheegaa dimuqraadiyeen iyo metelaad shacab balse shacabka waxba uma soo noqdaan mana muuqato ilaa hada hab lagu bedeli karo nidaamkan khaldan, shacabkana siiya awood ay ku cawdaan danahoodana kaga hadlaan dhib la’aan.

Waxa ugu badan ee dadka qaarkii sheegaan waxa weeye hala mudaharaado iyo hala kaco balse mudaharaad waxaa ka horeysa in qofku ama dadku heer degmo iyo heer kaleba ay cabasho gudbiyaan ayna helaan hab sahlan oo ay ku cawdaan kuna sheegaan waxa ay ka biyo diidsan yihiin isla markaasna aysan jirin hanjabaad iyo hadaa  hadasho iska jir  ayna sidoo kale jiraan laamo madax banaan oo Soomaaliyeed oo la socda cabashada dadka iyo kuwa loo cawday wixii caga jugleyn ahna waxka qabta maxkamadna soo taaga kuwa adeegsada caga jugleynta iyo waan ku yeeli.

Ganacsiga iyo shacabka

Ugu danbeyn waxaa shacabka sidoo kale fara ba’an ku haya marka dawladda laga soo tago ganacsatada iyaga oo leh albaab laga soo galo oo wax looga iibsado balse aan lahayn albaab shacabku ku dalbadaan xaqooda marka lagu xad gudbo.

Dal-keena kama jiraan hay’adaha u dooda macaamiisha ee hubiya in ganacsatadu waxay  dadka ka gadayaan ay waafaqsan yihiin nidaamka iyo in ay daryeelaan dalabaadka  iyo cabashooyinka macaamiisha.

Hay’adaha xaquuqda macmiilka way fara badan yihiin waxayna u kala baxaan kuwa dawli iyo kuwa bulsho ama iskood isu xilqaamay dhamaanna kawada shaqeeya ilaalinta macmiilka iyo xaqiisa. Soomaaliya waa jaantaa rogan dhinacaas marka laga eego, ganacsataduna waxay shacabka ku yiraahdaan intaa is….iyo war tag markii cabasho ama qof uu xaq raadinayo, mana jirto dawlad iyo meel kale oo ka qabata.

Shacabka Soomaaliyeed dhinac dawli iyo dhinac kaleba waa afkaa juuqda gabay iyo Allow meel aan ku ciirsano hanoo waayin.

Waxaan filayaa in qofkasta oo Soomaaliyeed uu dareen san yahay arimaha  aan qoraalkan ku taabtay ayna tahay in loo wada guntado in la gaaro hab qofka Soomaaliyeed uu xaqiisa ku helo, fikir kiisa ku dhiibto isaga oo aan cidna ka cabsanayn lana sameeyo hay’adaha kala duwan ee ilaaliya xaquuqda qofka Soomaaliyeed  ee aan arkayno inay maqan tahay ilaa hada.

Siyaad Cali Yuusuf

Garoowe, Puntand, Soomaaliya.