Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Marka ayaa la kulmay qaar kamid ah shacabka magaalada Marko ee xarunta gobolka Sh/Hoose.
Madaxweyne Farmaajo ayaa meel fagaare ah kala hadlay dadweynaha ku nool magaaladaasi, isaga oo ku boorriyay in ay si dhaw ula shaqeeyaan ciidanka si Gobolka Shabeellaha Hoose iyo guud ahaan dalkaba looga tirtiro Al Shabaab.
Amaanka magaalada Marko ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana amaanka sugaya ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya.
Booqashadaan madaxweyne Farmaajo uu ku tagay magaalada Marko ayaa aheyd booqasho lama filaan ah.
Hoos ka daawo sawirada
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho
You must be logged in to post a comment.