Muqdisho-[Puntland Post]-Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa NISA ayaa xalay xabsiga dhigay Taliyaha Hoggaanka caafimaadka ee hay’addaasi oo lagu magaacbi jiraya Dr. Xasan Axmed Maxamed Gacal .
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta loo xiray Taliyaha, waxaana qaar ka mid ah dadka ku dhow ay sheegeen in gaarigiisa uu ku qarxay bannaanka hore guri uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho, isaga oo ka badbaaday qaraxaasi.
Lama xaqiijinkaro in sababta loo xiray in ay tahay Qaraxa iyo in ay jiraan Sababo kale oo lagu eedeeyay.
Cabdiqani Boos
Puntland Post