Sarkaal ka tirsan Ciidamadda NISA oo la xiray

Muqdisho-[Puntland Post]-Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa NISA ayaa xalay xabsiga dhigay  Taliyaha Hoggaanka caafimaadka ee hay’addaasi oo lagu magaacbi jiraya  Dr. Xasan Axmed Maxamed Gacal .

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta loo xiray Taliyaha, waxaana qaar ka mid ah dadka ku dhow ay sheegeen in gaarigiisa uu  ku qarxay bannaanka hore guri uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho, isaga oo ka badbaaday qaraxaasi.

Lama xaqiijinkaro in sababta loo xiray in  ay tahay Qaraxa iyo in ay jiraan  Sababo kale oo lagu eedeeyay.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post