Shacabka Soomaaliyeed yaa metala, ma maamul goboleedyada mise Dawladda Federaalka?

Waxaan dhowaanahan arkaynaa in qalalaaso horleh oo cusub la rabo in la geliyo dalka Soomaaliya  kaas oo shacabku islahaa wuxuu ka soo kabanayaa burburkii iyo dagaaladii sokeeye ee mudada ragaadiyey dibna u dhigay guud ahaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed muddo ka badan 20 sano.

Waxaa hubaal ah in dadka Soomaaliyeed meel kasta ha joogeene ay soo dhoweeyeen dawladii ka dhalatay doorashooyinkii dhacay bishii Febraayo 2017 taas oo lagu doortay madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. Muda ka dib madaxweynuhu wuxuu xushay Raysul wasaare Xasan Cali Khayre, kaas oo soo dhisay dawlad ka kooban wasiiro kor u dhaafay 25 xubnood kana kalayimi qaybaha siyaasada Soomaaliya ka kooban tahay.

Waxaa shacabka Soomaaliyeed sida aan kor ku sheegay ay rajo weyn u muujiyeen dawladda cusub taas oo markhaatigeeda qof walba oo caalamka jooga uu arkay sida dadka Soomaaliyeed isugu soo baxeen magaalooyinka dalka oo dhan, kuna soo dhoweeyeen dawladda dabaal degyo iyo farxad caalamka kale  u muujisay in dawladdan  dhalatay  ay tahay mid shacabku raali ka yahay lana dhihi karo waxay ku timi rabitaankooda walow tiro xildhibaano ah ay doorashada codbixinta ka qayb qaateen.

Waxaa markhaati ma doonto ah mudadii ay jirtay dawladan in rajada dadka Soomaaliyeed waxbadan iska bedeleen ayna muujisay dawladdu talaabooyin aan hore loo arag kuwaas oo ku dheehan hab dawladnimo iyo soo celinta sharafta Soomaaliya guud ahaan taas oo shacabka Soomaaliyeed muddo laga cuna qabateeyey kadib dagaalkii sokeeye iyo wixii ka dhashay.

Sida lawada ogyahay dalka Soomaaliya wuxuu qaatay  (iyada oo la eegayo axdi qarameedka  ku meel gaar ka ah) habka federaalka kaas oo ku salaysan in ay dhismaan maamul goboleedyo qayb ka ah dib u dhiska iyo soo celinta Soomaaliya cusub kadib 1991 iyo dagaalkii sokeeye ee dalka oo dhan galaaftay waxna aan reebin haba yaraatee.

Hadaba maamul goboleedyada oo in badan oo shacabka Soomaaliyeed u arkaan inay yihin bedelkii qabqablayaashii dagaalka sokeeye ee dalka dib u dhigay, halka dadka qaarna ay qabaan inay muhiim yihiin maamul goboleedyadu ayna qayb wanaagsan ka qaadanayaan soo celinta Soomaaliyada cusub.

Waxaa dhacday in maamul goboleedyadu ay muddo  badan isu arkeen inay iyagu mas’uul ka yihiin shacabka Soomaaliyeed intooda badanna metelaan, ayna marwalba ku hadaaqaan hadalo ay ku durayaan dawladda Federaalka iyaga oo dhaha dawladda Xamar, xagee ka talisaa oo aan ahayn  caasimada Muqdisho? iwm.

Hadalada noocaan ah ee ay sheegaan madaxda maamul goboleedyada ayaa waxay u bahaantahay in la miisaamo lana ogaado meesha ay maamul goboleedyadu ku metelaan inta badan shacabka Soomaaliyeed iyo cida iyaga ku dooratay codka shacabka kana duwan kan lagu doortay dawladda federaalka ee maanta jirta.

Xagee akhristow ay ka dhacday doorasho hal qof iyo hal cod dalka Soomaaliya marka laga reebo Somaliland oo iyadu sheegta inay Soomaaliya ka go’day.

Maamulka Puntland tusaale ahaan oo ah maamulka ugu weyn ee dalka Soomaaliya marka la eego xiliga la asaasay, weli lama hayo meel ay ku dhacday hal qof iyo hal cod iwm, iska daa kuwa kale ee tabarta daran.

Bal aan eegno maamul gobeleedyada sheegta inay dalka badankiis maamulaan,kana taliyaan iyo tabartooda, aan ku bilowno maamulkii ugu danbeeyey ee samaysmay:

  1. Hirshabeele oo ah maamulkii ugu danbeeyey ee la asaaso kana mid ah shanta maamul gobleed ee wakhtigaan dalka ka jira.Aan isweydiinee, xagee buu ka taliyaa, maxaase muuqda oo maamul ah oo u dhisan?, Ciidan intee leeg buu haystaa?.

    Waxaa la ogyahay in madaxweynaha maamulka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare ay ku socoto mooshin xilka qaadis, inuusan ku nasan magaalo madaxda ku meelgaarka ah ee maamulkisa uuna inta badan degan yahay hoteelo ku yaal magaalada Xamar, awoodda ciidan ee Hirshabeelena ay tahay tan Xooga dalka Soomaaliya.   Xagee Maxamed Cabdi Waare ku kasbaday codka shacabka reer Hirshabeele mise wuu ku riyooday? Wasiiradiisu badankood Xamar ayey hoteelo degan yihiin mana leh xafiisyo ay ku shaqeeyaan ama ay isku halayn karaan.

    Maagalada Beledweyne ee ugu weyn Hirshabeele waxaa gacanta ku haya ciidamo shisheeye oo kamid ah kuwa nabad ilaalinta AMISOM.  Khilaaf baa ka dhexjira Jowhar iyo Beledweyn sida aan ognahay ku salaysan awood qaybsi iyo siyaasad ubadan hab qabiil.

    Hadaba sidee Maxamed Cabdi Waare awooda uu wax ku diidayo ku yeeshay asagoo xaalkiisu sidaas yahay?

  2. Koonfur Galbeed: Maamulka Koonfur Galbeed waxaynu wada ognahay in uusan ka talin meel ka baxsan magaalada Baydhabo, Shariif Xasanna uusan habeen ku nasteen Baydhabo hadeysan ahayn Ciidanka Nabad ilaalinta ee magaaladaas gacanta ku haya.Sidoo kale wasiirada maamulka Koonfur Galbeed waxay badanaa degan yihiin magaalada Xamar, markii shir jiro khaasatan kuwa ay hay’adaha caalamiga wax kaga raadsanayaan diyaarad ayaa Xamar ka soo qaada kadibna marka shirku dhamaado ayey dib ugu noqdaan  Xamar waayo Baydhabo iskuma halayn karaan amnigeeda  inay habeen seexdaan.  Waxaad moodaa inay wasiira ku sheego sida shisheeyaha u noolyihiin!.

Xagee marka Shariif Xasan  oo hada ay ku socoto loolan siyaasadeed uu ku metalaa shacabka sharafta leh ee Koonfur Galbeed, goorma ayey codkooda ku doorteen iyo rabitaankooda maamulka sidaas u tabarta daran aana awoodin inay magaalooyinkooda  habeen nabad ku seexdaan ?

  1. Jubba Land. Iyadana waxaan ognahay akhristow in maamulka Jubbaland uu ku egyahay meel 30km u jirta magaalada Kismaayo uusanna ka talin meel kale, Axmed Madoobena magaalada lagu keenay Taangi (Kaare) Ciidanka Kenya leeyihiin ilaa hadana ay gacanta ku hayaan amaanka magaalada iyo aaga ay ka taliyaan Axmed Madoobe iyo wasiiradiisa. Yaa cod shacab ku doortay Axmed Madoobe?, Goormuuse awood ka badan tan dawladda Federaalka asagu yeeshay ama helay?

Is qab qabsi siyaasadeed oo baahsan ayaan ognahay inay ka jiraan Jubbaland una dhexeeya madaxda kala duwan ee deegaan kaas inta badanna ku salaysan hab qabiil iyo boos kala riixasho iyo waana aniga markaygii iwm.

Bal aan isweydiinee hadii ciidanka Kenya ee nabad ilaalinta meesha ka baxo yaa Kismaayo Axmed Madoobe ku haynaya?, awoodiisu meeday?

  1. Galmudug. Galmudug oo aan ognahay bilowgeedii in ay moddo badan ku koobnayd koonfurta magaalada Gaalkacayo  lana ogyahay in inta badan ay dabada ka riixeysay xiligaas  maamulka Puntland oo danaynayey in miiska maamul goboleedyada la balaariyo laguna soo kordhiyo maamulo kale si markaas durbaanka federaalka u saxmo.

Muddo kadib markii maamulkii koonfurta Gaalkacayo  iyo Xibin iyo Xeeb midoobeen ayey Galmudug ku fiday deegaanka Cadaado kaas oo iyana in moddo ah u ahayd caasimad ku meel gaar ah khilaafna kala dhexeeyey maamulkii kale ee gacanta ku hayey  Dhuusamareeb ee  Ahlu-suna wal-jamaaca kooxdii la baxday.

Hadaba xiligan la joogo maamulka Galmudug waxaan ognahay inuu ku jiro fadqalalo siyaasadeed oo baahsan taas oo aad moodo in ay caado u tahay maamulkan tan iyo markii la asaasayna uu ku jiray is qabqabsi siyaasadeed iyo kala qaysanaan baahsan.

Hadaba Galmudug oo sidaan u muuqata, xagee ku meteshaa shacabka ku abtirsada deegaanada ay sheegato inay ka taliso , goor maase la doortay madaxda maamulkaas oo ay heleen codka dadka deegaanka Galmudug ama lagu doortay hal qof iyo hal cod?

  1. Puntland. Puntland oo lawada ogyahay inay tahay bud-dhigaha maamul goboleedyada dalka Soomaaliya, ayna tahay maamulkii ugu horeeyey ee samaysma kadib dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay marka laga reebo maamulka Somaliland oo isagu sidaan sheegnay ku dhawaaqay inuu Soomaaliya ka go’ay.

Hadaba maamulka Puntland oo awood ahaan dhinacyo badan sida xagga ciidanka,  dhaqaalaha iyo xagga baaxad maamulba ku dhaama maamul goboleedyada kale ee aan kor ku sheegnay, lana dareemayo in madaxda Puntland ee  hada joogta ay dabada ka riixayaan ismari waaga u dhexeeya dawladda Federaalka  iyo maamul goboleedyada ee hada jira.

Akhristow sidoo kale goorma ayaa Puntland in kastoo ay 20 sano jirsatay ay ka dhacday afti hal qof iyo hal cod taas oo  ah miisaanka lagu cabiro rabitaanka shacabka reer Puntland iyo kuwa kale ee Soomaaliya?.

Gabagabadii waxaan akhristow ka fahmaynaa xaalada Soomaaliya maanta ay ku jirto marka aan eegno tabarta iyo awoodda maamul goboleedyada aan kor ku sheegnay in maamul goboleedyadu iyo madaxdooda tabarta daran lana ciir ciiraysa cadaadiska bulsho iyo siyaasadeed ee deeganadooda wakhtigaan ka jira ay cabsi ka qabaan soo noqoshada dawlad Soomaaliyeed oo hanata dalka Soomaaliya lana timaada isla xisaabtan dhab ah.

Aan isweydiinee xagee dakhliga haba yaraadee ay maamul goboleedyadu helaan ku baxaa? xaguu aadaa?, yaa kula xisaabtama lacagta ay iyagu dadka shacabka ee hoos jooga ka urursadaan, kuwa ay ka helaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa kale ee ay marar badan ku soo qaataan dhibaateynta iyo kala qaybinta dadka Soomaaliyeed?.  Waa su’aalo isweydiin mudan ee akhristow ka jawaab, hadaad jawaab u hayso.

Waxaan aragnaa in dawladda Federaalka oo sida aan hore u sheegayba ku timi rabitaanka shacabka  Soomaaliyeed taas oo markhaati ay u tahay sida shacabku u soo dhoweeyeen markii la doortay madaxweyne Farmaajo ayna la timi intii ay hada jirtay isbedelo muhiim ah oo ay ka mid tahay isla xisaabtan iyo la dagaalanka musuq maasuqa taas oo saldhig u ah dib u  hanashada hab dhaqaaleedka dalka Soomaaliya.

Hadaba waxaan u arkaa aniga rayigeyga markaan soo koobo in dawladda Soomaaliya ee maanta jirta ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Raysul wasaare Xasan Cali Khayre ay haysato taageerada shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan dal iyo dibad ayna Madaxda maamul goboleedyadu yihiin kuwa laftacad toobinka ku haya wakhtigoodiina sii dhamaanayo.

Waxaan rumaysnahay in shacabka Soomaaliyeed maanta hadii afti laga qaado ay  codkooda si aqlabiyd leh  siin lahaayeen dawladda hada jirta  waxaana sidoo kale qabaa hadii la gaaro  doorashooyinka 2020 lana helo hal qof iyo hal cod ay dawladda hada jirta markale dib loo soo doorto waase hadii nimankaan maamul goboleedyada  cunaqabateynta ku haya shacabka Soomaaliyeed ay taas o ogolaadaan.

Waxaan hubaa inay ka dagaalamayaan madaxdani inaan horumar la gaarin, lana helin cod shacab oo mira dhala meeshana ka saara mugdiga siyaasadeed ee dalkan lagu curyaaminayo.

Waxaan isleeyahay shacabka Soomaaliyeed waxaa la gaaray xiligii ay dalban lahayeen xuquuqdooda ayna aqbalin wax ka yar hal  qof iyo hal cod si meesha looga saaro sheeka baraleyda ku salaysan jaah wareerka iyo xagee dawladda Federaalka ka talisaa iyo ismoodsiinta madaxda maamul goboleedyada ee ah inay iyagu dalka badankiis xakumaan taas oo aan wax daliil ah aan lahayn.

Shacabka oo muddo ku jiray jaahwareer colaadeed, gaajo, barakac ayaa u muuqda kuwa soo baraarugaya kuna diirsanaya iftiinka dawladda federaalka ee maanta jirta ay hormuudka ka tahay,  in kastoo weli ay shacabka badankiis aysan awoodin inay gacanta iska qabtaan qolyaha horumarka hortaagan balse aan filayo inay dhawdahay xiligi la dhihii lahaa qabqablow warkaa dhamaa (enough is enough)

Ugu danbayn dawladnimadu waa rabitaan iyo ogolaansho shacab ee maaha khasab iyo jajuub sidaa awgeed dawladda Federaalku waxay haysataa rabitaan iyo ogolaansho  shacab kaas oo loo yaqaan afka qalaad Democratic Legitimacy, mana jirto wax maamul goboleedyada iyo madaxdoodu taas ku beenin karaan anaga oo aragna hab tabareed kooda iyo hab maamulkooda.

Qore: Siyaad Cali Yuusuf
siyaadyusuf@gmail.com
Garowe, Puntland, Somaaliya

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan