Ra’iisul wasaare Kheyre oo jawaab kulul siiyay dowlad goboleedyada

Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka jawaabay go’aankii ay maadaxda dowlad goboleedyadu ku dalbadeen daraf sadexaad oo dhexdhexaadiya iyo in isla meel dhigo goobta uu shirku ka dhacayo iyo sugida amniga.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo xalay munaasabad ka dhacday Muqdisho ka qeyb galay ayaa sheegay in uusan soo dhaweynayn in la yiraado magaalo madaxda laguma shiri karo oo amni maahan, uusana garanayn cidda loogu danaynayo, wuxuuna xusay in Muqdisho tahay astaanta qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa  sheegay in uu san soo dhaweynayn garab saddexaad oo ajnabi ah oo dhexdhexaadiya dowladda dhexe iyo dowladaha xubanaha ka ah, isagoo ku tilmaamay dhaqan hore.

Hoos ka dhageyso codka Ra’iisul wasaare Kheyre

Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa war-murtiyeed ay soo saareen 14-kii bishan ku xiray wada hadalka shuruudo ay kamid ahayd in la helo daraf sadexaad oo dhexdhexaadiya labada dhinac oo damaanad qaada heshiiyada lala galayo dowladda federaalka, maadaama ayay dheheen ay ka baxdey ballamihii iyo heshiisyadii horey loola galey.

Sidoo kale Golaha shuruudaha waxaa kamid ahaa in sababo amni awgeed la isla meel dhigo goobta uu shirku ka dhacayo iyo sugida amniga.

Hadalka ka soo yeeray Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa laga yaabaa in uu sii huriyo khilaafka dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

PUNTLAND POST