Dowlad goboleedyada oo dalbaday damaanad dhexdhexaadin

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya

Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa war-murtiyeed ka soo saaray shirkii uu ku baaqay dhawaan Madaxweyne Farmaajo.

Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa war-murtiyeedkood ku sheegay in loo baahan yahay daraf sadexaad oo dhexdhexaadiya labada dhinac oo damaanad qaada heshiiyada lala galayo dowladda federaalka, maadaama ayay dheheen ay ka baxdey ballamihii iyo heshiisyadii horey loola galey.

Sidoo kale Golaha ayaa sheegay in sababo amni awgeed la isla meel dhigo goobta uu shirku ka dhacayo iyo sugida amniga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan shaaciyay shir Muqdisho ka dhacaya oo socon doona 17-18ka bishan, oo ay yeelanayaan Golaha amniga qaranka, si dhameystiran looma sheegin in looga hadlayo khilaafka dhowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo in kale.

Khilaafka labada dhinac ayaa saameeyay qaar kamid madaxda dowlad goboleedyada oo la saftay dowlada dhexe.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka oo dhamestiran

PUNTLAND POST