Maxaa hirgalay, maxaase guul-daraystay ballan qaadkii doorashadii 2014 ee Madaxweyne Gaas?

Markii ugu horaysay oo ay inta badan dadweynaha Soomaaliyeed barteen magaca Dr Cabdiwali Maxamed Cali(Gaas) waxay ahayd sanadkii 2010 oo uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xiligaas ahaa Raisul wasaaraha Soomaaliya u magacaabay Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga iyo weliba raisul wasaare ku-xigeen xukuumadii ku-meel gaarka ahayd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dr Gaas ayaa bartamihii sanadkii 2011 bedelay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isagoo noqday raisul wasaaraha xukuumadii kumeel gaarka ka saartay Dawlada Federaalka ee Soomaaliya.

Madaxtinimada Puntland: Cabdiwali Gaas ayaa sanadkii  2013 ku dhaawaqay inuu u sharaxan yahay kursiga looga taliyo Puntland kadib markii ay codsiyo kala duwan uga yimaadeen umadda reer Puntland maadama lagu tuhmaayo waaya aragnimo siyaasadeed oo uu ka dhaxlay mudadii wasiirka iyo raisul wasaaraha ka ahaa Dawlada dhexe iyo aqoon saraysa waa sida uu sheegaye.

Aqoonyahankan oo ololihiisa kasoo billaabay qurbaha markii danbena soo caga dhigtay gudaha Puntland siiba magaaladda Gaalkacayo ayaa ololihiisa doorasho sal uga dhigay dhaliilaha iyo daaha ka qaadka wax yaabihii ay ka gaabisay xukuumadii Dr Cabdiraxmaan Faroole oo uu markaa xukunku kasii dhamaanaayey.

Maxuu ballan qaaday Dr Gaas, mase ku guuleystay?

 Madaxweyne Gaas ayaa ballan qaadkii doorashada ku saleeyey dhawr qodob oo uu sheegay inuu kaga dhabayn doono mudo kooban inta laguda jiro mudadiisa xil haynta kuwaas oo kala ahaa:-

  1. Midnimada Puntland
  2. Amniga Puntland
  3. Horumarinta kabayaasha dhaqaalaha
  4. Cadaalada, hirgelinta sharciga iyo geedi socodka dimuqraadiyada

Hadaba waxaanu mid mid u kor istaageynaa waxa ka hirgalay iyo waxa aan hirgelin afartan qodob ee asaaska u ahaa ballan qaadkii Madaxweyne Gaas.

Midnimada Puntland:- Madaxweyne Gaas wuxuu xukuumadii taladda haysay iyo kuwii kasii horeeyeyba si adag ugu dhaliilay inay ka gaabiyeen inay sugaan xuduudaha Puntland, ayna gaaraan dhamaan degaanadii iyo gobaladii wada dhistay maamulkan 1998.

Wuxuuna yiri isagoo ka hor-hadlaayey Baarlamaanka “Walalayaal sida aad la socotaan lixdii sano ee lasoo dhaafay wuxuu dhaawac soo gaaray midnimadii Puntland waxaana gacanta maamulka ka baxay dhul baaxad leh oo ahaa degaanadii wax ka dhistay Puntland, Mudanayaal sida aad la socotaan shantii sano ee u danbaysay waxay xukuumada Puntland ka gaabisay inay dadkeeda si siman u wada gaarsiiso adeegyada Dawlada waana tan keentay inay Puntland sarifanto oo uu dhaawac ku yimaado midnimadeedii, waxay Dawladaydu qaban doonto shirweyne lagu saxaayo midnimada Puntland waxaanuna sida ay tahay u hirgelin doonaa qodobada kasoo baxa shirweynahaas”

Hadaba Dr Gaas iskadaa waxa uu ka qabto midnimada Puntlandne waxa faraha ka baxay qaybo horleh oo kamida degaanadii ku midoobey Puntland 20-sano kahor, wuxuuna maamulka Soomaaliland oo sheegta gobaladda Sool iyo Sanaag kusoo siqay meel wax ka yar 70-kiilomitir u jirta caasimada Garowe, waxayna xukuumadu u qaylo dhaansatay dadweynaha iyo beelaha Puntland si ay uga qayb qaataan difaaca degaanka Tukaraq oo ahayd kastanka ugu weyn ee Puntland ku lahayd gobalka Sool, illaa hadana xukuumada Dr Gaas kuma guuleysan inay gacanta kusoo celiso degaanka Tukaraq iyadoo ay halkaas ka dhaceen dagaallo khasaare naf iyo maalba ah geystay.

Ma dhicin shirweynihii uu ballan qaaday Madaxweyne Gaas si uu ugu saxo midnimada diciiftay ee Puntland, mana muuqato inuu ku hawlan yahay muddo xileedkiisa oo ay ka harsan tahay billo kooban.

Amniga:  Dr Gaas ayaa xukuumadii xiligaas jirtey ku eedeeyey inay ku guul-daraysatay xaqiijinta amniga muwaadiniinta, wuxuuna tilmaamay inay degaanadda Puntland ka dhacaan dilal qorshay ayna ka jiraan isku dhac dhex mara beelaha, isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri Dr Gaas ” Maamulka hada jira wuxuu ku guul-daraystay inuu mushaar siiyo ciidamada tobankii billood ee lasoo dhaafay, waana arinta keentay inay ciidamada amaanku u gudan waayaan hawlihii loo igmaday sidii loogu tala galay”

Gaas ayaa sheegay inuu dhisi doono ciidamo tayo ahaan iyo tiro ahaanba dhamaystiran isla markaana si heer sare ah u qalabaysan si joogta ahna u hela musharaadkooda iyo xaquuqaha ay mudan yihiin, isla markaana soo afjari doono gal-daloolooyinka nabad gelyo ee Puntland.

Maxay xukuumada Gaas ka qabatay Amaanka iyo bixinta mushaaraadka Ciidamada?

Mudadii uu xilka hayey Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxaa Puntland amaan xumo ugu geerooydey  boqolaal qof, waxaa markii ugu horeysay ka dhacay qarax is-miidamin ah oo lagu diley  taliyihii qaybta Booliska Gobalka Bari Cabdiraxmaan Muslim, waxaa degaanada Puntland ka dhacay dilalkii ugu badnaa ee lagu dillo xildhibaano katirsan baarlamaanka Puntland, waxaa dhacay dagaaladii Puntland iyo Galmudug oo saamayn ba’an uga tegey magaalada Gaalkacayo.

Markii ugu horeysay waxaa gadoodey oo maamulka banaanka uga baxay saraakiil sar-sare oo katirsan ciidamada Puntland wallow markii danbe arintaas xal laga gaaray hadana saamayn aan wanaagsanayn ayey uga tagtay ciidamada.

Kooxda Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay in ka badan konton askari oo katirsan ciidanka Puntland ku dishey degaanka Af-urur iyagoo gubey qaarna qaatay saanadii ciidankaas.

Kooxaha argagixisada ayaa isku fidiyey degaano cusub waxaana markii ugu horeysay Puntland ka asaasantay kooxda Daacish iyagoo la wareegey degmada muhiimka ah ee Qandala oo ay maamulaayeen mudo billa inkastoo ay markii danbe ka saareen ciidamada Puntland, waxayse weli ku sugan yihiin buuralayda ku teedsan degaanka Qandala iyagoo halkaas mararka qaar ka geysta falal nabad gelyada ka dhana.

Boqolaal katirsan maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa kasoo degey xeebaha Gobaladda Nugaal iyo Mudug xili uu Madaxweyne Gaas Dalka dibadiisa ku maqnaa inkastoo ay ciidanka Puntland kooxdaas ka itaal roonaadeen hadana waxaa lagu dhaliilaa Dr Gaas inuusan si dhaqso ah Dalka usoo gaarin xili ay dagaallo ba’ani kasocdeen uuna soogaray Puntland markii laga itaal roonaaday kooxdii soo weerartay.

Somaliland ayaa la wareegtey degaanka Tukaraq waxaana halkaas ka dhacay dagaaladii ugu xumaa mana jirto wax horumara oo ay Puntland dagaalkaas ka samaysay iyadoo taasna loo sababaynaayo qorsha xumo iyo kala daadsanaan dhanka ciidamada ah.

Xukuumadda Gaas ayaa ku guul-daraysatay inay ciidamada mushaaraadka usiiso sidii ay ahayd, waxaana shantii sano ee ay xukuumadaasi taladda haysay isa soo taraayey tabashadda mushaaraadka ciidamada iyo weliba shaqaalaha rayidka ee Dawladda.

Falalka argagixisada iyo dilalka qorshaysan ayaa weli ka dhaca magaalooyinka Bosaaso iyo Gaalkacayo, mana jirto wax ay xukuumadda Madaxweyne Gaas ka qabatay collaadaha iyo isku dhacyadda Beelaha Puntland, iyadoo dagaal beeleedyo kala duwan ka dhaceen mudadii xukuumadani talada haysay gobaladda Bari, Mudug iyo Sool.

Horumarinta kabaayaasha dhaqaalaha: Waxaa la orankaraa horumarinta kaabayaasha dhaqaaluhu waa qodobka ugu weyn ee ay amaanta ku mudan tahay Dawlada uu majaraha u hayo Dr Gaas waana tan kaliya ee la tilmaami karo inuu kaga dhabeeyey ballan qaadkiisii wallo kuwo muhiim ahaana uu ku guul-darasytay.

Madaxweyne Gaas ayaa ku guuleystay inuu  hirgeliyo Garoonka diyaaradaha ee magaaladda Bosaaso oo ay heshiiskiisa gashay xukuumadii tiisa ka horsay, markii ugu horeysay ayuuna Madaxweyne Gaas xariga ka jaray garoon diyaaradeed oo heer caalami ah oo ay Puntland yeelato.

Wuxuu sidoo kale ku geeleystay hirgelinta garoonka diyaaradaha Garowe oo isagana ay heshiiskiisa gashay xukuumadii Cabdiraxmaan Faroole, waxaana la oran karaa mudadii shanta sano ahayd ee uu xukunka hayey Cabdiwali Gaas waxaa la helay labba garoon diyaaradeed oo heer caalami ah.

Tan ugu weyn ee lagu amaani karo Dr Gaas waa wadada isku xiraysa gobalka wada xumadu ragaadisey ee Sanaag oo loogu magac daray wadada Ceel-daahir-Ceerigaabo, wadadan oo ay billowday xukuumadda Madaxweyne Gaas ayaa lagu dhisaayaa qaab isku tashi ah iyadoo mar horena laga gaarey guulo la taaban karo.

Dhan kale Dawladda Madaxweyne Gaas waxay ku guul-daraysatay higelinta wadada isku xiraysa Garowe iyo Gaalkacayo oo si aada u burburtay msharuucan oo ahaa kan ugu weyn ee midowga Yurub ka hirgelin lahaa Puntland ayaa dhicisoobey kadib markii Dawladda Jarmalku dhawaan shaacisay inay joojisey dhaqaalihii ay wadadaas ku bixin lahayd sababo musuq-maasuq awgeed.

Cadaalada, hirgelinta sharciga iyo geedi socodka dimuqraadiyada: Aan ku hormaree cadaaladda iyo hirgelinta sharciga, madaxweyne Gaas wuxuu ballan qaaday inay dib-u eegid (Reform) ku samayn doono hay’adaha cadaaladda loona xulan doono dad tayo leh isla markaana ay maxkamadaha Puntland noqon doonaan kuwo la isku halayn karo dhan walba, mana jirto wax haba yaraate laga qabtay maxkamadaha mana uusan dhicin reform-kii uu balan qaaday madaxweynuhu, waxaana waayadan soo kor-dhaayey hay’adaha garsoorka ee ka cabanaaya mushaar la’aan iyo daryeel xumo kale.

Dhinaca cadaaladda guud wuxuu Madaxweynuhu ballan qaaday inuusan isku hareerayn doonin qoyskiisa balse ay u siinaan doonaan cid kasta oo reer Puntland ah, waxayna dadweynuhu ku dhaliilaan Dr Gaas inuusan arintaas kaga dhabayn uuna dadka ugu dhaw-dhaw ka dhigtay qoyskiisa.

Geedi socodka Dimuqraadiyada: Madaxweyne Gaas wuxuu ballan qaaday inuu sanadka ugu horeeya Puntland ka hirgelin doono nidaamka axsaabta badan, isagoo yiri kalmada caan baxday ee ah ” Xukuumada Cabdiwali way fashilintay hadii doorasho qof iyo cod ah ka dhici weydo Puntland 2019″ 

Waxaase muuqata inay gabi ahaanba xukuumadda Dr Gaas ay ku fashilantay hirgelinta nidaamka axsaabta badan iyadoo ay cadahay in doorashada madaxtinimada Puntland lagu geli doono sidii caadiga ka ahayd Puntland ee 66-xildhibaan oo ay soo xullaan odayaasha dhaqanku iyaguna doortaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Gaba-gabadii Dadka reer Puntland iyo odayaasha soo xullaaya baarlamaanka ayaa looga baahan yahay inay soo xullaan xildhibaano awood u leh inay daba gallaan balan-qaadka xukuumadda isla markaana madaxda xukuumada kula xisaabtama shaqooyinka loo iga maday.

PUNTLAND POST