Taariikhdooda baro inta aadan la midoobin, taxanaha Itoobiya seddex kun oo sano – Qaybtii 7aad

Itoobiya

XUKUNKII CIIDAMMADA IYO DHICISTII HAILE SELASSE.

Sanadkii 1974 waxaa Itoobiya ka dhacay abaar aad u naafaysay gobolada Oromada iyo cuno yaraan saamaysan dalka oo dhan. Waxaa jirey gadood ay shacabku ka qabeen qaabka ay boqortooyadu u maamushay masiibadan, Taas oo sababtay kalsooni daro ay shacabku u muujiyeen boqorka iyo dawladdiisa. Waxaa dhacdadaan iyo guuxaan shacabkaba ka faa’iidaysatay koox saraakiil ciidan ah oo loo yaqaanay Dargi. Dergigu waxa ay ahaayeen 120 sargaal oo ka mida qaybaha kala gadisan ee ciidanka uuna hoggaaminayey Janaral Aman Amdom. Kooxdani waxa ay taladii ka tuureen boqor Haile Selasse iyaga oo xabsiga dhigay sanadkii 1974. Sanad kabacdina boqor Haile Selasse waxa uu ku dhintay qolkii uu xabsiga ku lahaa sifo aan illaa iminka heshiis lagu ahayn sababteeda.

Kolkii muddo ku dhow saddex sano ay kooxdii Dergigu dhexdeeda iska ugaarsanaysay ayaa waxaa ka soo dhexbaxay gaashaanle dhexe Mingistu Haile Mariam oo ahaa waji aan horay loo aqoon, kadib markii uu mid mid uga soo takhalusay raggii ka sareeyey. Mingistu kolkii uu ka takhalusay hoggaankiii dargiga ee xilligaas Janaral Taferi Benti iyo ku xigeenkiisii colonel Atnafu Abate ayuu si rasmiya waxa uu ula wareegay taladii Dargiga . Gaashaanle dhexe Mingistu si uu xukunka u xagsado, markiiba waxa uu meesha ugu saraysa gaarsiiyey wixii loo aqoon jirey Argagaxii casaa, kaas oo ahaa sifayn laga sifaynayey meel walba, cid kasta oo uu is lahaa waxay kugula loolami kartaa talada dalka. Waxa uu dil toogashaa markiiba ku fuliyey illamaa afartan sarkaal oo uu is lahaa waxa ay ka hor imaan karaan taladaada. Rag gaarayey Siddeetan oo haa dabaqaddii sare ee la shaqayn jirtey boqorka ayaa 61 qof oo kamid ahaa dil lagu fuliyey. Ragga la dilay ayaa waxaa ka mid ahaa qaraabadii boqorka, Raysal wasaarayaal hore,wasiiro hore, ganacsato, macalimiin Jaamacadeed iyo wadaadadii diinta oo uu ugu horeeyey baadarigii ugu sareeyey diinta masiixiga Abune Theophilos. Bishii april sanadkii 1977 Mingistu waxa uu jeediyey khudbadiisii caanka ahayd ee uu ka jeediyey fagaaraha Meskel Square ee magaalada Adis ababa, dilkana uu  ugugu xukumay 755 qof oo uu ku tilmaamay inay yihiin cadawga kacaanka. Magacyada dil-sugayaashaas waxaa ka dhex muuqday wiil yar oo sagaal jira kuna eedaysnaa qaran-dumis.

Hay’adda xuquuqul insaanka u dooda ee Amnesty International waxay xustay in muddadii uu dargigu ka talinayey Itoobiya lagu dilay dad ka badan nus malyuun qof oo 54,000 oo ka midihi ay da’ yar ahayd. Mingistu oo loo yaqaanay kawaan lihii Adiss Ababa wali isaga oo ku mashquulsan xasuuqa dadkiisa ayaa waxaa qarxay dagaalkii 77 ee ay ciidammada Soomaalidu ku qabsadeen gobalkii Ogadeen.

 

DAGAALKII GUULDARADA REEBAY

Sanadkii 1977 ayaa waxa uu ahaa markii ugu horaysay ee si mug leh ay labada dal dagaal isaga hor yimaadaan muddo shan boqol oo sanaa. Waana dagaalkii ku caan baxay 77.

Kolkii gumaystuhu soo galay gayiga Soomaalida waxa uu dhulkii Soomaalida u kala qaybshay shan waaxood, oo waax ka mida la guddoon siiyey boqorkii xabashiada ee Menelik. Wixii ka dambeeyey qabsashadii Harar iyo wareejintii dhulka Soomaaliyeedba, Soomaalidu waxay ku jirtey halgan af iyo adina oo ay doonaysey inay dhulkooda ku soo dhcsadaan. Markii ay Soomaliya xoriyadeeda qaadatay, labo ka mida shantii waaxoodna ay ku midoobeen Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa guntiga loo xirtay sidii dhulka maqan loo baadi goobi lahaa. Baadi goobkaas ayuuna ka dhashay dagaalkii 77. Laakiin nasiib daro dagaalkii ma noqon mid guul u horseeda gobaladii la baadi goobayey iyo kuwii wax baadi goobayey toona. Maxaa yeelay Soomaaliya ayaa si wacan u akhriyi wayday siyaasadihii dagaalkii qaboobaa ee xiligaas jirey.

Kolkii Soomaaliya ay heshiiska saaxiib tinimo la saxiixatay Midowgii Soofiyeeti sanadkii 1974 iyada oo noqonaysay wadankii ugu horeeyey oo Afrikada madow ah oo heshiis noocaasa la saxiixda Soofiyeedka, waxa uu heshiiskaasi tumaati ku noqday dawladihii reer galbeedka iyo saaxiibadoodii Carbeed. Laga bilaabo xilligaas waxaa jiray dadaalo la doonayey in Soofiyeedka Soomaaliya looga saaro taas oo markii dambe laga miradhaliyey. Soofiyeedku waxa uu Soomaaliya ugu xilanayay marinkeeda strategica ah, Soomaaliyana waxay doonaysay kaalmo military iyo dhisid-ciidan oo ay horay reer galbeedka ugaga waydey. Sidaas daraadeed ayaa labada dhinacba heshiisku muhiim ugu ahaa. Inkasta oo la sheego in bilowgiiba Soofiyeedku Soomaalida kula talinayey in ay dhulka ka maqan doontaan, haddana waxa uu figrataas ka tanaasulay kolkii xukunka Itoobiya ciidanku la wareegeen, ayna ku soo biireen xeradii reer bariga ee Warsow. Marakan Soofiyeedku waxa uu bilaabay dadaal aad u xoog badan oo uu doonay in lagu baajiyo dagaalka. Waxaa ka mid ahaa dadaalkaas booqashadii Nikolia Podgrony madaxwaynihii Soofiyeedku uu ku yimid Soomaaliya horaantii bishii April, 1977 iyo booqashadii midaas la midka ahayd ee uu Castaro madaxwaynihii Cuba isaguna ku yimid Soomaaliya. Dhamaan dadaaladaas ayaa noqday hal bacaad lagu lisay kadib markii Soomaalida lagu qancin waayey inay dagaalka ka tanaasulaan.

Marakan Itoobiya waxay bilowday inay kaalma military si toosa u waydiisato Soofiyeedka taas oo sababtay in dhawr shixnadood oo huba loo raro Itoobiya. Soomaalidu iyada oo ka caraysan xiriirkaas kana hortagaysa in aanay Itoobiyaanku ku xoogsan, maskaxdana ku haysa xasilooni-darada siyaasadeed ee Itoobiya ka jirta ayay bilowday guluf baaxad wayn oo ay ku qaaday Itoobiya bartamihii sanadkii 1977. Dagaalka waxa dhinac socday guubaabin Soomaalida lagu guubaabinayey inay Soofiyeedka dalkooda ka saaraan, reer galbeedkuna u buuxin doono kaalinta ay banayn doonaan. Haddii aynu eegno dhanka Soofiyeedka, waxaa jirey dood xoog badan oo u dhaxaysay madaxda sirdoonka iyo khuburada ciidamada oo dhinaca iyo siyaasiyiinta oo dhinaca kalaa, taas oo ku saabsanayd go’aanka laga qaadanayo dagaalka. Qolyaha hore ayaa qabay in Soomaalidu uga muhiimsantahay Xabshida, sidaas daraadeed ay haboontahay inaan la dhumin saaxiibtinimadooda. Go’aan qaadasha la’aanta Soofiyeedka ayaa sababtay in shir jaraa’id oo uu qabtay Colonel Mingistu kolkii Soomaalidu qabsatay magaalada Goday uu ku cambaareeyo Soofiyeedka. Wuxuu yiri “Itoobiya waa dal ku biiray xerada reer bariga haddana maanaan helin taageeradii aanu xaqa u lahayn, ma dhici karto In Soofiyeedku labada dhinacba uu taageero”

 

HAGARDAAMADII REER GALBEEDKA IYO HOOSAASINTII CARABTA

Reer galbeedku waxay geed walba u fuuleen sidii ay fursaddaan uga faa’iidaysan lahaayeen. Dawladaha Saudi Arabiya,Masar iyo Iran ayaa Soomaaliya ku qanciyey inay Soofiyeedka saarto iyaga oo u sheegay in reer galbeedku u badali doonaan kaalinta uu Soofiyeedku banaynayo. Sida uu qoray wargayska Washington Post cadadkiisii soo baxay march 5, 1977 dawladaha Carbeed ee qaniga ahaa ayaa Soomaliya u balan qaaday inay siinayaan kaalmo dhan $300 ilaa $350 milyan oo dollar haddii ay Sofiyeedka saaraan. Madaxwaynihii Maraykanka Cartar ayaa u sheegay La taliyihiisii Xagga amniga Zbigniew Brezezinski in la sameeyo wax walba oo Soofiyeedka Soomaaliya looga saari karo. Taas ayaana dhacday kolkii Soomaaliya ay ku dhawaaqday november 13, 1977  in Soofiyeedku dalkeeda uga baxo muddo todoba cishaa. Warkaan ayaa idaacadda Radio Muqdisho waxa ka sii daayey wasiirkii warfaafinta ee xiligaas mudane Abdiqasim Salad Hassan.

Waxaa jirtey fariin uu madaxwaynihii Sudan Jacfar Al-Numayri usoo diray Madaxwaynihii Soomaaliya Maxmed Siyaad Barre oo ahayd inaysan Soofiyeedka saarin haddii aysan balanqaad qoraala ka haysan Maraykanka, laakiin taladaas dheg jalaq looma siin. Soofiyeedku waxa uu si toosa iminka ula saftay Itoobiyaankii isaga oo ku taageerayey hub, saanad, khuburo iyo ciidan ba. Nasiib daro reer galbeedkii Soomaalida hoday waa ay ka dhaga adaygeen inay Soomaaliya ku taageeraan dagaalka. Sidaas ayayna Soomaaliya ugu jabtay dagaalkii uguna dhacday shirqool aanay cidna ku eedaynayn, maxaa yeelay waxay akhrin aqoon wayday siyaasaddii xiligaas caalamku ku dhaqmayey ee ku wajahnayd dagaalkii qaboobaa. Afartan sano ka bacdi shirqool kaan, Caadil Al-jubayr wasiirka arimaha dibadda ee Sacuudga Muxaadaro uu ka jeediyey sanadkaan horaantiisii machadka Brookings Institute ee Washington ayuu ku xusay sidii ay  Maraykanka iyo Sacuudigu iyaga oo wada jira ugaga saareen Soofiyeedka Soomaaliya, iyada oo waxa la xeerinayay ay ahayd amaanka dawladaha gacanka. Dagaalkaan ayuuna ahaa albaabkii sharka ee Soomaalida u furay masaa’ibtii ay soo martay sodonkii sano ee u dambaysay.

Lasoco qaybta 8aad

Mohamed Ahmed Elmi