Faallo:- Halkee bay Puntland u socotaa?

Kowdii bishan Agoosto ayay Puntland labaatan jirsatay. Labaatan sanadood waa ammin dheer oo uu maamul ku hanaqaado. Afar maamul baa Puntland soo maray tan iyo 1998-kii. Isku celcelis ahaan maamulkiiba wuxuu talada hayay shan sanadood.

Asaasayaashii Puntland waxay hoosta ka xarriiqeen laba ujeeddo: 1) Dhowrista midnimada siyaasadeed iyo Dhuleed ee Soomaaliya, iyo 2) U qareemmidda hab federaaliisam oo noqon kari lahaa, sida ay qabeen, mid Soomaalidu ku baraari karto kaddib guuldarradii taladii siyaasadeed oo hal meel ku urursanayd ( centralised ).

In maamulkii doodad federaalisamka soo bandhigay uusan maanta lahayn maamul baahsan iyo dowlad dadku la xisaabtami karo waa guuldarro siyaasadeed oo sahashay lunsiga lacagtii carruurta wax lagu bari kari lahaa, bukaanka lagu dawayn lahaa, ciidammada mushaar loo siin lahaa, deegaanka nabaadguur lagaga dhowri lahaa, tusaale ahaan. Farriinta ka muuqata sooyaalka siyaasadeed ee Puntland waa sidan: Maamul isagaba aan maamul-baahin iyo isla xisaabtan ku salaysnayn uma doodi karo wanaagga habka federaaliisamka iyo maamul suubban toonna.

Xasiilloonidii siyaasadeed oo uu Maxamed Abshir Muuse SSDF II kaga soo saaray waayihii adkaa ( 1991-1998) waxay dhabbaha u xaadhay wadatashagii fududeeyay unkiddii Puntland. Laga billaabo 2005tii, markii Cadde Muuse xilka la wareegay, Puntland waxay gashay marxalad lagu tilmaamo hagbad siyaasadeed: marba beel ka mid ah beelaha Puntland buu madaxweynuhu ka soo baxaa. Habka awoodda loola kala wareegayo wuxuu Puntland u nugleeyay maamul-xumo baahsan,wuxuu sahlay in xoogag argaggixiso fadhiisinno ka samaystaan qeybo ka mid ah Puntland

Muran Dhuleed

Maamul kasta oo Puntland soo maray wuxuu la daalaa-dhacayay dhibaatooyin u gaar ah iyo kuwo uu ka dhaxlay maamulkii ka horreeyay. Maamulkii ugu horreeyay wuxuu la kulmay weerar siyaasadeed lagu wiiqayay sharciyaddiisa kaddib markii Jaamac Cali Jaamac uu sheegtay inuu madaxweynaha Puntland yahay; maamulkii labaad waxaa soo foodsaaray kacdoonno ka billowday gobolka Bari gaar ahaan Galgala oo uu maamulkaasi macdan-baaris ka waday. Maamulki seddexaad waxaa ku soo baxsaday dhibihii dagaallada xagjirku alooseen kuwaas oo keenay laynta indheergaradka Puntland. Wuxuu maamulkaasi aad iskugu howlay sidii ciidanka nabadsugida Puntland oo loo yiqiin PIS u hoostagi lahayd dowladda waayo taliyihii PIS wuxuu isu arkayay inuu ka madaxbannaanaa dowladda Puntland. PIS iyo kuwii ka dambeeyayba waa ciidammo lagu sameeyay wadatashi la’aan. Maamulkii Faroole wuxuu kaloo la kufaa-kacayay budhcadbadeed degtay degmooyin Puntland ka mid ah.

Maaamulka afraad, oo waqtigiisu sii dhammaanayo, wuxuu dhaxlay xaalad siyaasadeed oo Puntland u ekeysiiyay sallad qof uu suuqa la tago. Seddexdii arrimood oo uu u banbaxay – dib u habaynta ciidammada; dib u habaynta shaqaalaha rayidka, iyo samaynta wadatashi isu soo celin kara dadkii Puntland wada samaystay 1998kii – midnaba muu ku guulaysanin.
Ciidammo beeleedyada mushaarka ku qaata magaca Puntland waxay iskugu jiraan kuwo jira iyo kuwo aan jirin. Way gadoodaan hadduu maamul isku dayo inuu hubiyo tirada dhabta ee ciidammada. Maamulladii hore way sii adkeeyeen dhibaatadan markii ay wax ka qaban waayeen. Waa midda Puntlad u nuglaysay awoodda siyaasiga afku waranlaha ah oo si fudud u kala daadin kara hey’adihii labaatanka sano lagu soo tiir iyo tacab-beelayay.

Dhinaca kale Puntland waxay ku guuldarraysatay wax ka qabashada muran dhuleedka u dhexeeya Garoowe iyo Hargeysa. Marnaba Puntland may fahmin sida Hargeysa ay uga go’an tahay in Soomaaliya ay laba dal kala noqoto haddii uu xitaa go’aankaas keenayo in dad dega Sool loo arki doono shisheeye. Maamulkii Cadde Muuse buu ahaa kii fududeeyay in Somaliland ay ku soo fiddo dhul markii hore ay ka talinaysay Puntland. Sanadkii 2005tii markii Puntland iyo Somaliland ay Adhicadeeye maxaabbiis isku dhaafsanayeen wuxuu Jeneraal Carays ku dooday “In labada maamul ay ku dagaallamayaan dhulkan abaarta ah”. Maamulkii Faroole wuxuu dan u arkay in reer Sool ay ka madax-bannaanaadaan Puntland inkastuu seddex xildhibaan ku qabsaday maamulkii Khaatumo oo ku ololeeyay guuldarradii siyaasadeed ee Puntland. Maamulkisii iyo kan Somaliland waxay iska kaashadeen xakamayntii aragtidii Khaatumo oo,qayb ahaan, ku salaysnayd collaysiga Puntland iyo Somaliland, inkastoo Khaatumo iyo Puntland uu wada hadal u socday ka hor doorashadii uu Gaas ku guulaystay Janaayo 2014tii.

Maamulka uu hoggaamiyo Cabdiweli Gaas wuxuu ku adkaystay inuu wakiil federaal ka yahay dadka dega dhulka beesha caalamka ugu suntan “Dhul lagu muransan yahay”. Go’aankani wuxuu Puntland siiyay awoodda ay ku soo magacawdo xildhibaannada iyo senatarrada ka imanaya dhulka lagu muransan yahay. Weerarkii Somaliland ku soo qaaadday Tukaraq iyo go’aankii Somaliland ku shaacisay inay Yoocada tagayso ayaa Puntland ku qasbay inay ciidan iskugu keento duleedka Tukaraq. Dadaalladii la waday may keenin ilaa hadda in labada maamul mid uun kan kale u tunaasalo ama miiska keeno wax dagaal baajin kara. La yaab bay ahayd in siyaasiyiinta qaarkood sida Juxaa iyo Cali Xaaji Warsame Somaliland ku eedeeyaan inay colaadda shidday. Nabadi may dhex oollin labada maamul awalba.

Mid ka mid ka ah iimaha siyaasadeed ee Puntland ragaadiyay waa u adeegsiga hey’adaha siyaasadda xallinta loollanka siyaasdeed oo dhexmaray beelihii taageeri jiray jabhaddii SSDF. Marnaba may dhicin in loolannada siyaaseed oo dhexmara beelaha kale loo furdaamiyo sida loo dhammeeyay loollankii dhexmaray Cadde Muuse iyo Cabdullaahi Yuusuf. Puntland ma laha xeer lagula dhaqmo dadka ku tunta danaha iyo xuquuqda dadka.

Samafaleyaal

Inkastoo reer Punland ku hungoobeen siyaasiyiintooda marnaba may noqon dad illooba waxa ay la wadaagaan Soomaalida. Dad tiro badan oo ka kala yimid qeybaha Soomaaliya ay ka kooban tahay ayaa degay gobollaada Puntland ka arrimiso wax baddana ku biiriyay koboca dhaqaalaha gobollada Puntland. Sanadkii 2015tii dadka Puntland waxay si niyadsami leh u soo dhoweeyeen oo wax u tareen dadka ka soo qaxay dagaalka Yemen oo badankood ahaa Soomaali markii hore Yemen u qaxday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya awgiis. Mar kale dadka Puntland waxay intii karaankooda ah yabooh u direen ehelada dadkii ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarkii 14kii Oktoobar 2017kii ka dhacay Muqdisho.

Dhaqaalaha

Sida uu ku dooday dhaqaaleyahanka Maxamed Dalmar Puntland may laha siyaasad lacageed oo ka madaxbannaan tan Soomaaliya. Ilaa hadda may cadda sida Puntland uga badbaadday sicir-bararka naafeeyay dhaqaalaha gobolka la deriska ah ee Somaliland. Waa suurtogal in farogelin la’aanta suuqa – tusaale ahaan isku day la’aanta goynta sicirka sarrifka – uu ka hortagay sicir-barar. Sidoo kale waa suurtogal in xogta laga ururiyo wax iibsadayaasha (consumers ) aan si joogto ah loola wadaagin dadweynaha, sidaas darteedna ay adag tahay in laga warhayo sicir-bararka.

Inkastoo Puntland ay qaado Canshuuraha kala duwan haddana ma aha hab isku dubaridan, marka la eega khaas ahaan canshuuraha Berriga. Dabaqadda siyaasadda Puntland way ogtahay in cashuuruhu keenaan isla xisaabtan. Waxay u eg tahay in deeqaha sandareerada ah ay siyaasiyiintu kaga kaaftoomeen dejinta hab canshuuraha berriga loo ururiyo oo loo dhowro.

Inkastoo Puntland ay leedahay xusuus hay’adeed haddana may ku guulaysanin inay hesho hab sida kan Somaliland Compact u ah, kaas oo Puntland u sahli lahaa in si gaar Beesha caalamku uga kaalmayn lahayd dhinaca horumarinta. Kalluumaysatada Puntland waxay ka cawdaan maraakiib ay Puntland shatiyo kalluumaysi siisay. May cadda sida loo maamulo lacagta ka soo xeroota shatiyada kalluumaysata shisheeye la siiyay.

Hay’adaha u xilsaaran ururinta iyo kala saafidda xogaha bulshada laga soo ururiyo, sida PDRC, iyo SIDRA, way ka gaabiyeen horumarinta baarisyo ku saabsan siyaasadda dhaqaalaha, ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada iyo barakacayaasha. Puntland waxay hoy u tahay barakacayaal tirobadan – barakacayaasha ugu tirada badan haddii dadkii Muqdisho colaadaha uga soo hayaamay 1991kii aad ku darto.

Geddisley siyaasadeed

Labaatan sano kaddib aasaaskii Puntland reer Puntland waxay ka welweslan yihiin waxa uu keeni doono isbeddelka dhici doona sanadka dambe haddii xildhibaannada Barlamaanka Puntland ay doortaaan madaxweyne cusub ama kan hadda haya dib loo doorto. Dad badan baa qaba in Puntland ay ku guuldarraystay in xisbiyo siyaasadeed la sameeyo. Waxay moog yihiin in dad beelo iskugu abaabulay siyaasadda aysan marnaba ku dooranaynin siyaasi barnaamij; Heybtiisa beeleed baa ka awood-badan hiraalkiisa siyaasadeed. Dad aan heshiis ku ahayn ilaalinta hantida dadka ka dhexeysa iyo la dagaallanka lunsadeyaasha marnaba ma u noqon karaan tilmaanta maamul suubban. Waa cashar ka mid ah casharrada ugu waaweyn oo ay reer Puntland barteen tan iyo 1998kii. Dadkii koonfurta ka soo qaxay baa Puntland dhistay marka aad daaraha eegto. Daaraha iyo suuqayadu may ah halbeegyada keliya oo la soo qaadan karo. Ka shaqaynta  hay’adaha dowladda, u qareemidda danyarta, la dagaallanka sinnaan-darrada iyo siyaasiyadda dhowrista deegaanka baa ka mid ah halbeegyada ugu waaweyn. Labaatan sano kaddib may cadda meesha Puntland ay u socoto.

Puntland may laha xisbiyo gacan-ku-rimis ah oo u dhigma kuwa Muqdisho ka jira oo isu diwaangeliyay isuna diyaarinaya doorashada 2021ka. Puntland waxay la-hayste u noqotay geddisley siyaasadeed ( political entrepreneurs) ku kaltanta hoggaanka siyaasadda maamul-goboleedka. Waa dhibaato ay la wadaagto maamul-goboleedyada kale; waa mid furdaaminteeda laga sugayo dadka Puntland samaystay. Jean Monnet, oo horseed ka ahaa samayntii Midowga Yurub, wuxuu ka tagay ereyadan: “Ma jiro wax suurtooba dad la’aan; ma jiro wax waara hay’ado la’aan.” Puntland may laha hay’ado dhammeeya murannada siyaasadda sida kii dhaliyay inuu Cabdiraxmaan Faroole ka tago samaynta hab siyaasadeed ku salaysan xisbiyada. Puntland kuma sii gurguuran karto hay’ado magac-u-yaal ah. Waa farriinta sanadguurada labaatanaad u siddo dad badan oo aan ku niyadsamayn geeddi-socodka siyaasadeed ee Puntland.

Liibaan Axmad

PUNTLAND POST