Taariikhdooda baro inta aadan la midoobin, taxanaha Itoobiya seddex kun oo sano – Qaybtii 3aad

Itoobiya

HOOS U DHICII LABADA DAWLADOOD

Dawladdii Adal

Dawladdii Adal ee mar hanatay dhulkii xabashida badankiisii, ayaa ku soo ururtay magaalada Harar iyo hareeraheeda. Kolkii uu Iimaan Axmed Guray dhintay, muslimiintii waxay ku soo gurya noqdeen halkii ay markii hore ka tageen oo ahayd Harar, iyaga oo aan lahayn wax hoggaana. Muddo ayay qaadatay in ay dib isu abaabulaan, illaa aakhirkii uu Amiir Nur Mujaahid oo sida la sheego uu Iimaan Axmed abti u ahaa taladii la wareegay. Inkasta oo uu Amiirku duulaan wayn oo loo bixiyey furashadii labaad ku qaaday dhulkii xabashida, soona diley boqarkii xabashida ee Gelowdewos, haddana kuma nagaan dhulkaas ee waxa uu ku soo noqday Harar. Amiir Nur waxa uu dhintay Harar oo Gallaha (Oromo) u hareeraysan. Amiirka gadaashiis waxaa xukunkii la wareegay adoon xabashiya oo uu amiirku lahaa, lana oran jirey Cusmaan.

Cusmaan iyo caruurtiisa ayaa muddo ka talinayey Harar illaa aakhirkii uu bilowday loolan ka dhaxeeye reer Cusmaan iyo rag ku dhawaa qoyskii reer Axmed Gurey iyo reer Amiir Nur oo dhinaca. Inta uu loolan kaani socday Oromadu waxay ku haysay reer Harar dagaal joogtaa illaa ugu dabmbayntii caasimaddii loo raray Aussa oo ahayd dhulkii Canfarta sanadkii 1577kii.

Uguuritaankii saxaraha Canfarta loo guuray ma uusan hakin khatartii Oromada ee waxay qabsadeen Aussa laftigeedii sanadkii 1583 iyaga oo ku dilay amiirkii ugu dambeeyey amiiradii Adal oo ahaa Maxamed Jaza. Maxamed wax uu ahaa wiil uu awoowe u ahaa IImaan Axmed Gurey. Ma jirin wax xukuna oo ka dambeeyey dawladaan marka laga reebo ismaamul magaaleedyo ka jiray magaalooyinka Harar, Aussa iyo Zaylac.

Dawladdii Xabashida.

Duullaamadii waawaynaa ee uu IImaan Axmed Gurey  ku qaaday dhulka xabashida waxay kala dhantaaleen awoodii dawladnimo ee ay Xabashidu lahayd. Kolkii IImaanka iyo ciidamadiisu ay jabeena uma suuroobin boqoradii xabashida inay nidaamka iyo kala dambayntii sideedii hore ku soo ceshaan. Waxaa jirey kacdoomo waa waynaa oo uga imaanayey shucuub tii gacan tooda ka baxday xilliyadii dagaaladu socdeen sida Agowga. Qabaa’ishii Gallaha ayaa ayguna noqday caqabad u diiday inay salka dhulka dhigaan. Dawladii Turkiga ayaa waxay la wareegtay xeebihii badda cas gaar ahaan Erateriya waxayna xiriir wanaagsan la yeelatay shucuubtii afka tigreega ku hadli jirey ee daganaa waqooyiga Itoobiya taas oo sababtay inay wada jir ula diriraan boqorkii xabashida. Waa xilligaan marka ay bilaabatay cadaawadda guun kaa ee illaa iminka u dhaxaysa qawmiyadaha Tigreega iyo Xabashida.

Qulqulkii Oromada ayaa meel walba ka dhacay illaa uu kala jaray dhul waynihii Xabashida. Dalkii ayaa waxa uu u kala jarmay afar qaybood oo aan isku xirnayn, mid walbana uu ka taliyo boqor hoosaad oromadu ciidan u tahay, marka laga reebo boqorkii Gonder oo matalayey boqorkii boqorada, laakiin sida xaqiiqdaa Oromada ayaa xukunka gacanta ku haysay kadib kolkii uu ka guursaday uuna ku qanciyey inay diinta masiixiga qaataan. Waxaa hoos u dhac wayni ku yimid nidaamkii, dawladnimadii, dhaqaalihii, diintii iyo isku xirnaantii boqortooyada.

Dawladdii Xabashidu waxay gashay sadex qarni oo go’doona. Waxaa xirmay xiriirkii ay la lahaan jireen dawladihii masiixiga ee caalamka ka jirey. Waxaa meesha ka baxay awooddii boortaqiiska ee bariga Afrika. Waxaa dumay dawladdii Byzantainka ee ay isku caqiidada ahaayeen ee ka talin jirtay Constantinople oo ahayd Istanbuusha maanta. Waxaa xirmay dariiqii ay Masar u mari jireen oo ahaa goobta looga soo diri jirey baadarigooda wayn ee diinta, kadib kolkii ay boqrtooyadii Nubianku islaamka qaateen taas oo sababatay hoos u dhac wayn oo ku dhacay diintoodii. Waxaas oo dhan ayaa waxay ka dhigayeen dawladdoodii Xabashida midaan wax xiriira la lahayn caalamka intiisa kale. Taas ayaana sababtay in sahamiyayaashii reer galbeedka ee soo booqday Itoobiya qarnihii 18aad ay la yaabaan heerka nolol iyo xadaarad xumo ee ka xilligaas ka jirtey Itoobiya.

DIB U CURASHADII ISLAAMKA

Ciidamadii Boortaqiiska ee u soo gurmaday dawladdii xabashida ee ay Iimaan Axmed Gurey is hayeen, kolkii uu dagaalku dhamaaday kuma aysan noqon dalkoodii ee waxa ay dageen dalkii xabashida iyaga oo ka mid noqday bulshadii oo ay ka guursadeen kuna milmeen. Waxa ay bilaabeen inay dadkii ugu yeeraan madhab koodii Catholiga, taas oo ay ku guulaysteen kadib markii ay boqorkii Susenyos ku qanciyeen inuu qaato madhabka Catholiga sanadkii 1622. Boqorkii diinta badashay waxa uu ku xukumay dadkiisii inay isaga tagaan madhabkii Orthodox ka ee ay kunka sano soo haysteen. Arintaan ayaa waxa ay dhalisay buuq iyo jahwareer fara badan iyo in shacabkii si cad uga hor yimaadaan boqorka iyo taladiisaba. Dadka ayaa waxay ku dhawaaqeen “inaan islaamno ayaan ka door bidaynaa inaan Catholic noqono. muslimiintu canshuur ayay naga qaadi jireen laakiin diinta nagama badali jirin.”
Kolkii uu dhintay Susenyos waxaa xukunkii la wareegay wiilkiisii Fasiladas kaas oo dadkii mar labaad ku soo celiyey madhab koodii hore. Fassiladas waxa uu bilaabay abaabul uu ku beegsanayo boortaqiiskii. Waxa uu dalkii ka saaray wadaadadii waday diin badalka. Waxa uu xiriir wanaagsan la yeeshay shucuubtii Islaamka ahayd ee ay dariska ahaayeen gaar ahaan boqrkii Yamaniyiinta oo uu ka codsaday inuu badda ka ilaaliyo Boortaqiiska. Hal-kudhaggii xabashida ayaa ahaa reer yurub ayaa ka cadowsan muslimiinta maxaa yeelay muslimiintu kuma khasbi jirin inay diin tooda ka tagaan.
Xaaladdii qalafsanayd ee ay xabashidu xilligaas ku jirtay iyo cadaawadddii ay islaamka u qabeen oo iminka u wareegtay dhankii Yurubiyaanka, ayaa Islaamkii waxay u sahashay inuu su fudud ugu fido dhulkii xabashida.

Islaamka ayaa u fidayey qaab xawliya oo hadana nabad galyaa. Fiditaanka islaamka waxaa  dhinac socday qayb wayna ka qaadanayey fidistiisa ganacsi balaaran oo ay muslimiintu dhulka ku yeesheen. Waxaa jirey labo arimood oo muslimiinta u sahlay inay noqdaan maal-qabeenkii Itoobiya. Tan koobaad ayaa ahayd in marsooyinkii ay wax ka soo dagi jireen iyo waddooyin kii loo mari jiray ba ay iyagu gacanta ku hayeen. Tan labaad na waxay ahayd dadka xabashidaa oo u yaqaanay ganacsiga xirfad xaqiran oo laga faano. Labadaas arimood ayaa sababay in muslimiintii ay dhinac walba ugaga baxaan dhulkii xabashida iyaga oo ganacsanaya diintoodiina fidinaya.

Muslimiintu waxaay dacwadooda bar tilmaameed uga dhigeen qawmiyadihii aan diinta lahayn sida Oromada oo cadaawad wayn u qabay xabshida, taas oo ay markii dambe ka mira dhaliyeen illaa ay badankoodii islaamka qaateen. Qabaa’isha sida wayn islaamka u qaatay ayaa waxaa ka mid ahaa Wallo Oromo oo ahayd reerkii uu la xididay Boqorkii reer Gonder ee Iyasu II, kuwaas oo aakhirkii la wareegay awoodii lana baxay Raas Ali. Waxaa iyana islaamkii qaatay Oromadii reer Jimma oo uu u talin jirey Aba Jafar. Reer Bale ayaa ayana islaamkii uu dhex galay illaa ay badankoodii islaamka ka qaateen. Isku soo wada duuboo sida uu sheegay James Bruce oo ahaa sahamiye Ingiriisa oo soo booqday Xabasha bartamihii qarnigii 18aad, ayaa sheegay in sadex meelood dadka xabsha ay muslimiin ahaayeen xilligaas.

Xawligii uu islaamku ugu fiday qabaa’isha Wallo,Yaju iyo Rayo ee koonfurta iyo bariga sare ee xabashida si ka hoosaysa uyuu ugu fidayey dhankii Harar. Qabaa’ishii Oromada ee Qallo iyo Aniya ee qabsaday dhulkii ay mar ka talin jirtay saldanaddii Adal wali waxay ku mushquul sanaayeen go’doomintii ay ku hayeen magaalada Harar iyo tuulooyin kii ku xeernaa. Harar ayaa xilligaan ahayd maamul-magaalo ay ka talin jireen qoys u nasab sheeganayey Ashraaf laakiin la aamin sanaa inay ahaayeen Jabartiyiin sida uu qoray sahamiye Bruce oo booqday qarnigii 18aad. Sir Richard Burton oo isaguna booqday Harar bartamihii qarnigii 19aad waxa uu xusay in Harar wali ay ku gadaamnaayeen Oromadu, islaamkuna uusan wali si fiican u gaarin, marka laga reebo in yar oo reer magaalowday iyo in magac ahaan islaamka u qaadatay. Waxaa sanad walba Oromada la siin jirey baad, si aysan usoo weerarin magaalada. Wuxuu yiri aad ayay u adkay in la dhex maro Gallaha (oromada) marka laga reebo Soomaalida oo aan wax dhiba ku qabin dhex markooda.

Islaamka ayaa waxa uu si wanaagsan ugu faafay qabaa’shii bariga wixii ka dambeeyey bartamihii qarnigii 19aad iyo xilligii ay Masaaridu ka talinaysay Harar, dhamaadkii qarnigii 19aad.

Lasoco qaybta afraad

Mohamed Ahmed Elmi