Xasan Shiikh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kulmay, maxay kawada hadleen?

Xasan Shiikh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta ku kulmay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Kulankan oo ay Xasan Shiikh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur-ba bartooda Facebook ku shaaciyeen ayaa hadana waxaa faahfaahin dheer ka bixiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh.

Mudane Xasan Shiikh ayaa sheegay in ay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka wada hadleen caqabadaha haysta dalka iyo fursadaha looga gudbi karo ayna isla garteen in la ballaariyo saaxadda siyaasadeed ee lagu qaabeynayo dowlad dhisidda iyadoo si qoto dheer looga fakarayo xaaladda siyaasadeed ee gobolka geeska Afrika.

“Waxaan ka wada hadalnay caqabadaha maanta haysta dalkeenna iyo fursadaha jira ee looga gudbi karo. Waxaan isla garannay in Soomaaliyada maanta ay u baahan tahay in la ballaariyo saaxadda siyaasadeed ee lagu qaabeynayo dowlad dhisidda iyadoo si qoto dheer looga fakarayo xaaladda siyaasadeed ee gobolka geeska Afrika ee aan ka tirsannahay” ayuu ku yiri Xasan Shiikh qoraal uu soo saaray.

Sidoo kale Xasan Shiikh ayaa sheegay in ay isla soo qaadeen Cabdiraxmaan Cabdishakuur sida ay muhiimka u tahay in dowladda iyo hoggaamiyayaasha dalka aaney isku koobin talada ee ay ballaariyaan saaxada wadatashiga siyaasadeed ee gobolka geeska iyo kuwii horay uga jiray gudaha dalka.

“Sidoo kale waxaan isla soo qaadnay iyadoo la tixgelinayo xaaladaha siyaasadeed ee gobolka geeska iyo kuwii horay uga jiray gudaha dalka, sida ay muhiim u tahay in dowladda iyo hoggaamiyayaasha dalka aaney isku koobin talada ee ay ballaariyaan saaxada wadatashiga ee siyaasiyiinta heer kasta leh iyo dadweynaha Soomaaliyeed dal iyo dibadba” Xasan Shiikh ayaa ku sii yiri qoraalkiisa.

Xasan Shiikh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo aan horey isku xulufo siyaasadeed ahayn, ayaa hadda u muuqda kuwo iska kaashanaya mucaaradnimada dowlada Madaxweyne Farmaajo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ah siyaasi mucaarad ah oo aad u dhaliila dowlada hadda jirta, waxaana mar sii horeysay loo taxaabay xabsi.

PUNTLAND POST