Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqashadii ugu horeeysay bari ku tagay Magaalada Asmara ee caasimada dalka Erateria.
Booqashadaan Madaxweyne Farmaajo uu ku Tagaya Asmara ayaa waxaa xaqiijisay dowlada wadankaasi Erateria.
Wasiirka Warfaafinta ee Dowlasa Erateria Yemane Meskel ayaa ku xaqiijiyay Bartiisa Twitterka in Madaxweyne Farmaajo uu Bari ka dagayo Asmara.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Casuumaad ka helay dhigiisa dalkaasi Isaias Afwerki isaga oo la qaadan doono kulan saacado qaata.
Booqashadaan haddii Madaxweyne Farmaajo uu bari ku tago Asmara ayaa noqoneeysa booqashadii ugu horeeysay uu ku tago dalkaasi.
Booqashadaan ayaa waxaa ay ku soo beegmeeysaa xili Dhowaan heshiis taariiqi ah uu dhexmaray Itoobiya iyo Eriterea.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho

Somalia is sending an autistic creature, who is also an intellectual featherweight, into an arena for heavyweight boxers, supervised and run by an angry Gulf Arab state that Farmaajo’s government gratuitously antagonized, maligned and badmouthed.
What can we expect?