Mareykanka oo koox xiriir la leh Al-shabaab ku dartay liiska Kooxaha Argagaxisada

Muqdisho (PP) ─ Dowladda Mareykanka, ayaa bayaan ay soo saartay shalay ku sheegtay inay liiska Argagixisada ku dartay kooxda Jamaactu Al Hijra oo ay ku sheegtay inay ka hawlgasho Soomaaliya iyo Kenya, xiriirna la leh Shabaab.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa qoraalkaan ay soo saartay waxay ku sheegtay in wax ka bedel ay ku sameysay qaanadii ay ku jirtay Al-shabaab oo Somalia ku metesha Al Qaacidda, iyada oo balaarisay ayay liiska Argagixisada ku soo biirisay liiska ururada Argagixisada ee shisheeyaha ah.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa sheegtay in kooxda Al Hijra oo 2008-kii lagu aas-saasay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay tahay Laanta Al-shabaab u qaabilsan dagaalka gudaha dalka Kenya.

Kooxda Al-Hijra waxay gacan ka geysataa askareynta xubnaha Al-shabaab ku biiraya, waxayna fududeysay inay xubnaheeda si caadi ah ugu socdaalaan Somalia, si ay uga qeyb qaataan falalka argagixisanimo.

Tallaabadaan cusub ee Mareykanka uu Qatay ayaa ujeeddada ka dambeysa waxay tahay in la takooro ururadaasi iyo kuwa ku abtirsadaba, islamarkaana laga hor istaago inay soo gaaraan hanaanka Maaliyadeed ee Mareykanka, sida bayaanka lagu sheegay.

Ugu dambeyn, Mareykanka ayaa horay liiska kooxaha Argagaxisada ah ay ugu dartay kooxda Al-shabaab oo muddo sannado ah isugu dayaysay inay xukunka ka tuurto Dowladda Federaalka ah ee uu caalamku Taageero.

PUNTLAND POST