Garowe:-Bbc Somali oo Abaalmarin gudoonsiisay 3 hablood oo ku tartamay Gabayo.

Munaasabad ay maanta ku qabatey magaalada Garoowe BBC Somali waxay abaalmarino ku gudoonsiisay hablo ku tartamay gabayadda hal abuurka gaar ahaan kuwa galay kaalmaha 1aad,2aad iyo 3aad, waxaana kaalinta 1aad gashay Gabadh magaceeda la yiraahdo Shukri Jaamac Ibraahim oo ka timid magaalada Bosaso.

Kaalinta 2aad iyo 3aad waxaa galay labo gabdhood oo magacyadooda la yiraahdo Nimco Xasan Tooxyare oo gashay kaalinta 2aad iyo Miski Warsame oo gashay kaalinta 3aad.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camey, Xubno ka tirsan gollihiisa Wasiirada,Siyaasiin,Musharaxiin iyo Tafatiraha guud ee Laanta Afsomaliga BBC ayaa ka qeybgalay xafladda gabdhaha lagu gudoonsiiyay abaalmarinta.

Tan iyo Intii uu noqday Tafatiraha guud ee BBC Somali Cabdulaahi Sheikh Cabdirasaaq waxaa kusoo kordhey Laanta Af somaliga barnaamijyo wax tar u ah bulshada oo uu ka mid yahay tartanka hablaha hal abuurka, waxaa kale oo BBC iska dhex arkey dadka Puntland oo muddo ku dhaw 7 sano aan iska dhex arag ka dib markey ku yeesheen wakiil toos ah oo uga soo warama Gobolladda Puntland.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST