Agaasimaha ha’ada nabad sudiga iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen ayaa shaqada ka joojiyay labo sarkaal oo ka tirsan ha’ayda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.
Digreeto ka soo baxday xafiiska agaasimaha NISA ayaa xilka looga qaaday Sareeyo Guuto Cabdala Cabdala Maxamed iyo Gaashaanle sare Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ahaa ku xigeenadii agaasimaha NISA.
Tan iyo wixii ka dambeeyay qaraxyo iyo weeraro is xig xiga oo isbuuc gudihiisa ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa jira isla xisaabtan ka dhexbiloowday ha’adaha amaanka Soomaaliya .
Siyaasiin badan ayaa muujinayay layaabka wadooyinka oo xiray darteed sida gawaarida qaraxa sida iyo ciidamada hubeysan ay u soo gudbeen ciidamada dowlada Soomaaliya.
Todobaadkii hore ayey aheyd markii xabsiga loo taxaabay saraakiil ka tirsan ciidamada NISA si wax looga weydiiyo qaababka ay u dhaceen weeraradaasi.
Hoos ka aqriso Digreetada

Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post, Muqdisho

AWALBA BAYAAN CAD BAY AHAYD IN SHABAAB LALA SHAQEEYO CIIDAN XILDHIBAAN ODAY DHAQAMEED GANACSATO WAANA DAD AAN RABIN IN DOWLADI SHAQAYSO OO RABA IN AY ISKA HAYSTAAN GURYIHII IYO BEERIHII SHACABKA SOOMAALIYEED IYO GANACSADE KU BULAALAY XOOLO CANSHUUR LA;AAN UU KULA SOO DAGO OO KAAGA DARANE WAX DHACAY IYO SUN KU LAAYAY SHACABKII SOOMAALIYEED OO AAN RABIN DOWLAD WAX KA CANSHUURTA KANA BAARTA WAXA UU SOO XARAYNAYO SIDAA DARTEED WAXAY LEEYIHIIN SARAAKIIL IYO CIIDAN IYO XILDHIBAANO KA DIFAACAYA XAGGA DOWLADDA QOFKII CAQLI LEH WAA OGYAHAY MEESHA QARANKA SOOMAALI LUGAHA LAGA HAYSTO WAANA MUQDISHO.