Agaasimaha ha’ada nabad sudiga iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen ayaa shaqada ka joojiyay labo sarkaal oo ka tirsan ha’ayda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.
Digreeto ka soo baxday xafiiska agaasimaha NISA ayaa xilka looga qaaday Sareeyo Guuto Cabdala Cabdala Maxamed iyo Gaashaanle sare Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ahaa ku xigeenadii agaasimaha NISA.
Tan iyo wixii ka dambeeyay qaraxyo iyo weeraro is xig xiga oo isbuuc gudihiisa ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa jira isla xisaabtan ka dhexbiloowday ha’adaha amaanka Soomaaliya .
Siyaasiin badan ayaa muujinayay layaabka wadooyinka oo xiray darteed sida gawaarida qaraxa sida iyo ciidamada hubeysan ay u soo gudbeen ciidamada dowlada Soomaaliya.
Todobaadkii hore ayey aheyd markii xabsiga loo taxaabay saraakiil ka tirsan ciidamada NISA si wax looga weydiiyo qaababka ay u dhaceen weeraradaasi.
Hoos ka aqriso Digreetada
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post, Muqdisho