Mareykanka iyo Kenya oo ku baaqay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab


Muqdisho (PP) ─
Dowladaha Mareynkanka iyo Kenya, ayaa Arbaco shalay ku baaqay in la kordhiyo dadaalka lagu doonayo in lagu xasiliyo Somalia iyo South Sudan, iyagoona sheegay in amnigu uu muhiim u yahay horumarinta dhaqaalaha.

Labadan xukuumadood, ayaa si gaar ah u sheegeen inay muhiim tahay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada ah ee ka dagaallama Soomaaliya.

Madaxwaynaha Kenya, Uhuru Kenya iyo Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika ku sugan [AFRICOM], Thomas Waldhauser ayaa dib u cusbooneysiiyay dadaalkooda nabadda ee labada waddan.

Uhuru Kenyatta oo kulan la yeeshay Waldhauser ayaa sheegay in xasarad siyaasadeed oo ka jirta Koonfurta Suudaan ay ka sii dartay cabsida aan loo baahnayn iyo is-aaminaad la’aanta taageerayaasha Madaxweynaha South Sudan, Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar.

“Waxaan ka taageeraynaa wax walba oo aan awoodno, laakiin ma ahan wax sahlan,” ayuu ka yiri Kenyatta xaaladda South Sudan, sida lagu sheegay bayaan la soo saaray kaddib kullan labada Mas’uul ku dhexmaray magaalada Nairobi.

Sidoo kale, Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in Kenya ay si buuxda uga go’an tahay in la helo nabad ka dhalata Somalia, taasoo uu ku xusay iay ahmiyad weyn u leedahay nabadeynta Soomaaliya.

Kenyatta ayaa hadalkiisa ku daray in Somalia ay hadda ka soo kabaneyso colaad sokeeye iyo caqabado siyaasadeed oo ka jiray labaatan sannadood ka badan.

Dhanka kale, Thomas Waldhauser ayaa isna hoosta-ka-xariiqay baahida loo qabo in Somalia ay xoojiso dhismayaasha hoggaanka, isagoo intaa ku daray in xasillooni la’aanta ay qayb ahaan sabab u tahay fara-gelinta aan tooska ahayn ee ka imaanaya wadamada kale, sida lagu sheegay bayaanka.

“Waxaan diyaar u nahay inaan sii wadno caawinta aan siinayno Somalia, tan iyo inta xukuumadda federaalka ahi ay diyaar–garoobayso inay awooddeeda xoojiso,” ayuu Waldhauser.

Ugu dambeyn, Dowladaha Kenya iyo Mareynkanka waxay qayb ka yihiin dalalka sida aadka ah u daneeya arrimaha Soomaaliya kana taageera la dagaalanka Al-shabaab iyo Daacish.

PUNTLAND POST