Ciidamo Gaari Rakaab waday ku furay Rasaas Sababtay Dhimasho iyo Dhaawac kala duwan


Muqdisho (PP) ─
Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay, Saddex Ruux oo kalena way ku dhaawacmeen, kaddib markii ciidammo Boolis ah ay Rasaas ku fureen baabuur ay la socdeen shacab rakaab ah oo marayay Dulleedka Deegaanka Qalimow oo Qiyaastii 30-km Koofureed kaga beegan Degmada Jowhar ee Xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.

Baabuurka la Rasaaseeyey oo noociisu ahaa HOMMY ayaa kusocday Xamar wuxuuna ka tagay degmada Jowhar ee Xarunta Maamul-goboleedka Hir-shabeelle, waxaana dadka dhintay ku jirtay haweeney.

Shacabkii ku dhaawacmay shilkan ayaa la geeyay isbitaalka Jowhar, halkaas oo lagu daweynayo; waxaana la sheegay in mid ka mid ah dadkii ku dhintay gaarigan la garan waayay.

Dhanka kale, Wararka ayaa sheegya in ciidamadu ay rasaaseeneen gaariga markii uu ku dhawaaday bar-koontarool oo ay ciidamadu ku sugnaayeen; taasoo lagu macneeyay inay ciidamadu ka shakiyeen gaariga.

Askarta rasaasta ku furay gaariga ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen ciidammo ka tirsan kuwa booliiska Hir-shabelle oo shalay fariisimo ka sameystey deegaanka Qalimow.

Ugu dambeyn, Deegaanka Qalimow oo u dhexeeya degmooyinka Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa gelinkii hore ee shalay la wareegay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab; iyadoo maalmo ka-horna ay ku toogteen mid ka mid ah ciidamada dowlada ee ku sugnaa Qalimow.

PUNTLAND POST