Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Shir Gudoomiyay Kulan Ay Yeesheen Guddiga Dhaqaalaha Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee guddiga dhaqaalaha dalka oo looga hadlay sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka, dhismaha golaha dhaqaalaha, Sharciga iibka, sharciga canshuuraha, qaadista canshuurta berriga iyo maaraynta maaliyadda.

Ugu horeyn Wasiirka maaliyadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka war bixiyay halka uu marayo qorshaha dayn cafinta dalka, SMP3 iyo waxyaabaha la doonayo in lagu guulaysto si Soomaaliya deynta looga cafiyo dibna ay ula fal gasho hey’adaha dhaqaalaha aduunka.

Wasiirka qorsheynta xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa isna ka war bixiyay dhismaha qolaha dhaqaalaha oo maraya heer gebagebo ah kaas oo dawladda ka taageeraya ka shaqeynaya kobcinta dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa hoosta ka xariiqay in dhaqaalahu uu yahay laf-dhabarta dawladnimada Soomaaliya, dhibaatooyinka hor taagan horumarka dalkana ay ugu horeyso dhaqaala yarida, sidaas darteed muhiimadda 1-aad ee xukuummaddu ay tahay in Soomaaliya deynta laga cafiyo si caqabadaha hor-taagan looga gudbo oo dawladdu ay awood ugu yeelato in adeegyada muhiimka u ah shacabka Soomaaliyeed wax ka qabato sida horumarinta amniga, waxbarashada, caafimaadka, shaqo abuurka iyo dhismaha wadooyinka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dhamaystirka tubta horumarinta dhaqaalaha iyo qorshaha lala tegayo shirka Brussels oo dhawaan uu ka qeyb gelayo wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). 

PUNTLAND POST