Faahfaahin: Weerar lagu qaaday xarunta Wasaarada Arimaha Gudaha

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso weerar dableey hubeeysan ay ku qaadeen xarunta wasaarada arimaha gudaha ee Muqdisho.

Weerarkaan ayaa ka dhacay xarunta Wasaarada Arimaha Gudaha oo ku taala Isgooyska Sayidka ee Muqdisho.

Dableyda ayaa markii hore waxa ay ay gaari qaraxa ku dhufteen albaabka xarunta wasaarada Arimaha Gudaha.

Dhowr nin oo hubeysan ayaa gudaha u galay xarunta wasaarada Arimaha Gudaha kuwaasi oo ay la dagaalamayaan Askarta dowlada Soomaaliya.

Ciidamada Dowlada ayaa dadka ku go’doosan xaruntaasi iminka soo bad baadinaya.

Ilaa iyo iminka si rasmi ah looma ogo qasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho