Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow gaaray Dalka Jabuuti.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa si baalaran loogu soo dhoweeyay magaalada Jabuuti ee caasimada wadankaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaasi uga qeybgalaya shirka ganacsiga Afrika iyo Shiinaha oo ka dhacaya Dalka Jabuuti.

Shirkaasi oo ah mid caalami ah ayaa waxaa ka soo qeyb galaya madaxweynayaasha qaar kamid ah wadamada Afrika.

Shiinah ayaa hadda bilaabeysa istiraatiiyada cusub oo ganacsi oo dhexmara wadamada Afrika iyo Shiinaha.

Faah faahinta dib kala soco Insha allah

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho