8 Xul qaran oo u soo baxay koobka adduunka

Weeraryahanada 8-da xul

Waxaa la soo gabagabeeyay wareegii 16-ka ee koobka adduunka sanadkan ee ka socda dalka Russia, waxaana wareega xiga ee siddeed dhamaaadka (Quarter-finals) u baxay siddeed xul qaran.

Siddeeda xul qaran ee u baxay siddeed dhammaad (Quarter-finals) koobka adduunka ayaa 6 kamid ah ay yihiin qaarada Yurub (Europe), halka 2-da kalana ay ka socdaan Latin America (South America), waxayna kala yihiin France (Europe), England (Europe), Belgium (Europe), Croatia (Europe), Russia (Europe), Sweden (Europe), Brazil  (South America) iyo Uruguay (South America).

Kulamada ugu xiisaha badan siddeed dhamaadka (Quarter-finals) koobka adduunka ayaa ah kulamada isku dhinaca ah ee Uruguay iyo France iyo Brazil iyo Belgium oo labadii xul ee ka soo baxaa markale afar dhammaadka (Semi-finals) isku arki doonaan.

Sidoo kale marti galiyaasha koobka adduunka sanadkan ee Russia oo si layaab leh ku soo reebay xulka Spain ayaa kulan xiiso badan la yeelan doona  xulka Croatia oo kamid ah xulalka layaabka sanadkan koobka aduunka ka sameeyay, halka England oo riyo wayn ku jirtaa ay Sweden wada ciyaari doonaan.

Ciyaarta kama dambeysta (Final) ee koobka adduunka 2018-ka waxaa la ciyaari doonaa 15 July 2018, waxayna ka dhici doontaa garoonka Luzhniki magaalada Moscow ee dalka Russia.

Koobka adduunka ee 2018 ayaa waxaa ka haray xulal badan oo kamid ahaa xulalkii loo saadaalinayay in ay qaadi karaan koobkan, waxaana kamid Germany, Spain iyo Argentina.

PUNTLAND POST