16 wadan oo u soo baxay wareega bug baxda koobka adduunka

Dhacdada ugu weyn kubadda cagta adduunka ee sanadka 2018 oo ka socota dalka Ruusha ayaa xalay lasoo gabagabeeyay waajigii hore group-yada.

Waxaana ka soo gubdbay 16 xul qaran oo kamid ah 32-dii xul qaran ee ee tagey Ruushka, kuwaas oo kala ah dalalka Russia, Brazil, Uruguay, Spain, Portugal, France, Denmark, Croatia, Argentina, , Switzerland, Sweden,  Mexico, Belgium, England, Colombia iyo Japan.

Xulalkii ka socday qaarada Afrika oo ahaa 5 xul qaran ayaa dhamaantood ka haray tartankan, waxaana xulkii ugu danbeeyay oo ahaa Senegal uu ku haray sharci ay FIFA dejisay oo ah  in lagu kala baxo dhanka ciyaar wanaagga iyadoo la xisaabinayo calaamadaha ay qaateen labada wadan ee isku dhibcaha noqda.

Xulka Jaban oo ah xulka kaliya ee ka socda qaarada Aasiya oo u gudbay wareega bug baxda ayaa ku soo baxay sharcigakan, kadib markii ay dhibcaha iyo goolasha ka simeen xulka Senegal, Jaban ayaa la guddoonsiiyay afar kaar oo hurdi/jaallo ah, halka Senegal ay lix jaallo aruursatay, taasoo ka dhigan in Japan ay ciyaar wanaag kusoo gudubtay.

Xulkii difaacanay koobkii adduunka ee sanadkii 2014-kii ee Germany ayaa kamid noqday 16-kii xul qaran ee ka haray tartankan.

Xulal qaramada u soo baxay wareega bug baxda (16-ka) ayaa qaabkan isugu aaday

  1. France iyo Argentina
  2. Uruguay iyo Portugal
  3. Spain iyo Russia
  4. Croatia iyo Denmark
  5. Brazil iyo Mexico
  6. Sweden iyo Switzerland
  7. Belgium iyo Japan
  8. Colombia iyo England

Kulamada wareega bug baxa (16-ka) ayaa la ciyaari doonaa 30 June ilaa 3 July 2018

Wareega sideed dhammaadka (Quarter Finals)

Xulalka France iyo Argentina kii soo baxa wuxuu la ciyaari doonaa midkoood xulalka
Uruguay iyo Portugal kii soo baxa.

Xulalka Spain iyo Russia kii soo baxa wuxuu la ciyaari doonaa midkood  xulalka Croatia iyo Denmark kii soo baxa.

Xulalka Brazil iyo Mexico kii soo baxa wuxuu la ciyaari doonaa xulalka Sweden iyo Switzerland kii soo baxa.

Xulalka Belgium iyo Japan kii soo baxa waxa uu la ciyaari doonaa  xulalka Colombia iyo England kii soo baxa.

Kulamada wareega sideed dhammaadka ayaa la ciyaari doonaa 6  July ilaa 7 July 2018.

Wareega Afar dhammaadka ( Semifinals)

Wadamada France iyo Argentina ama Uruguay iyo Portugal kii soo baxa wuxuu ku dhici doonaa  Spain iyo Russia kii soo baxa ama Croatia iyo Denmark

Xulalka Brazil iyo Mexico,  iyo Sweden iyo Switzerland kii soo baxa wuxuu ku dhici doonaa Belgium iyo Japan ama Colombia iyo England.

Kulamada wareega Afar dhammaadka ayaa la ciyaari doonaa 10 July ilaa 11 July 2018.

Kama dambeysta (Final)

Ciyaarta kama dambeysta (Final) ee koobka adduunka 2018-ka waxaa lagu ciyaari doonaa garoon ku yaal magaalada Moscow oo la yiraahdo Luzhniki, 15 July  2018.

PUNTLAND POST