Madaxweyne Gaas oo isku shaan-dhayn ku sameeyay masuuliyiin ka tirsan wasaarahada

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxmed Cali Gaas ayaa maanta digreetooyin uu soo saaray isku shaan-dhayn ku sameeyay agaasimaal guud iyo agaasimo waaxeedyo ka tirsan wasaaradaha Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa digreetada kowaad isku shaan-dhayn ku sameeyay labo agaasime guud iyo labo agaasime waaxeed, kuwaas oo kala ah, Axmed Cali Shire (keyse) oo ahaa agaasimihii guud ee wasaaradda xanaanada xoolaha oo loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha iyo waraabka, halka Ibraahim Xareed Cali oo ahaa aagaasimihii guud ee wasaaradda beeraha iyo waraabka loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda xanaanada xoolaha.

Sidoo kale Aadan Caabi Samatar oo ahaa agaasimihi waaxda hotumarinta xoolaha ayaa loo magacaabay agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha, halka Cabdirxmaan Maxamed Jaamac oo ahaa agaasimihii waaxda caafimaadka xoolaha loo magacaabay agaasimaha waaxda horumarinta xoolaha.

Digreetada labaad ayaa madaxweyne Gaas isku shaan-dheyn weyn ku sameeyay agaasime waaxeedyada maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradaha Puntland, kuwaas oo loo kala magacaabay sidatan.

  1. Cabdirisaaq Xassan Faarax ayaa loo magacaabay agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda cadaaladda, diinta iyo dhacancelinta
  2. Maxamuud Axmed Saalax ayaa loo magacaabay agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda caafimaadka
  3. Mahad Colaad Maxamed ayaa loo magacaabay agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare
  4. Cabdicasiis Siciid Bootaan ayaa loo magacaabay agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha
  5. Xassan Shire Abgaal ayaa loo magacaabay agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda xannaanada xoolaha
  6. Cabdi Axmed Yuusuf ayaa loo magacaabay agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah
  7. Axmed Cali Gargaar ayaa loo magacaabay Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda arimaha gudaha iyo dowladaha hoose
  8. Axmed Xariir Gaas ayaa loo magacaabay agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda haweenka iyo arimaha qoyska
  9. Cabdifataax Cali Jaamac ayaa loo magacaabay agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda maaliyadda
  10. Faarax Maxile Jaamac ayaa loo magacaabay agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda deegaanka iyo isbadalka cimilada
  11. Yaasiin Axmed Rooble ayaa loo magacaabay agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda duulista hawada iyo garoomada
  12. Cabdirisaaq Jaamac Nuur ayaa loo magacaabay agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda shaqada, shaqaalaha iyo Ciyaaraha
  13. Maxamed Abshir Jaamac ayaa loo magacaabay agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda beeraha iyo waraabka
  14. Cabdi Cali Yuusuf loo magacaabay agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaradda warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta
  15. Siciid Maxamed Maxamuud ayaa loo magacaabay agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda amniga.

Akhriso digreetada kowaad ee madaxweynaha Puntland

Xeer Madaxweyne Lr.74 ee June 27 2018 kuna saabsan isku shaandhayn Agaasimayaal Guud iyo Agaasime waaxeedyo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda shaqo

Markuu latashaday: Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland

Markuu Tixgeliyey: baahida loo qabo habsami usocodka hawlaha
wasaaraddaha

Wuxuu Xeeriyey:
1. Waxaa Axmed Cali Shire (Kayse) oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka.

  1. Waxaa Ibraahim Xareed Cali oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
  2. Waxaa Aadan Caabi Samatar oo ahaa Agaasimaha waaxda Hotumarinta Xoolaha loo magacaabay Agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha.
  3. Waxaa Cabdirxmaan Maxamed Jaamac oo ahaa Agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha loo magacaabay Agaasimaha waaxda Horumarinta Xoolaha.
  4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

Akhriso digreetada labaad ee madaxweynaha Puntland

Xeer Madaxweyne Lr.73 ee June 27 2018 kuna saabsan isku shaandhayn Agaasime waaxeedyada maamulka iyo maaliyadda ee wasaaraddaha.

Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Muhiimadda ay leedahay dar-dargelinta shaqada maamulka iyo maaliyadda ee Wasaarddaha

Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedinta wasiiradda iyo agaasimayaasha Guud ee Wasaarddaha Dawladda Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

1. Waxaa Cabdirisaaq Xassan Faarax loo magacaabay Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda cadaaladda, diinta iyo dhacancelinta

2. Waxaa Maxamuud Axmed Saalax loo magacaabay Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda caafimaadka

3. Waxaa Mahad Colaad Maxamed loo magacaabay Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare

4. Waxaa Cabdicasiis Siciid Bootaan loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha

5. Waxaa Xassan Shire Abgaal loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha

6. Waxaa Cabdi Axmed Yuusuf loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda Qorshaynta iyo iskaashiga Caalamiga ah

7. Waxaa Axmed Cali Gargaar loo magacaabay Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose

8. Waxaa Axmed Xariir Gaas loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska

9. Waxaa Cabdifataax Cali Jaamac loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Maaliyadda

10. Waxaa Faarax Maxile Jaamac loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimilada

11. Waxaa Yaasiin Axmed Rooble loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo maaliyaqdda ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada

12. Waxaa Cabdirisaaq Jaamac Nuur loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Shaqada, shaqaalaha iyo Ciyaaraha

13. Waxaa Maxamed Abshir Jaamac loo magacaabay Agaasimaha waaxda Maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka

14. Waxaa Cabdi Cali Yuusuf loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo maaliyadda ee Wasaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta

15. Waxaa Siciid Maxamed Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Amniga.

16. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

PUNTLAND POST